Hargeysa(ANN)Kulan baladhan oo lagaga hadlayay sidii qorshe iyo siyaasad cad ay Somaliland uga yeelan lahayd kumanaan qof oo qoxooti aan la aqoonsanayn ku ah gudaha Somaliland ayaa maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Kulankaa
oo ahaa kii ugu cuslaa ee noociisa ah ee lagaga wada hadlayo sidii loo samaysan lahaa siyaasad lagula dhaqmayo dadka qaxoontiga ah ee dalka soo galaya waxa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Somalialnd
waxaana ka qayb galay guddoomiyayaasha golayaasha Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, caddaalada, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa caasimadda Hargaysa, Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimmaha bulshada iyo wakiillo ka socday Hay´adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR.
Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxa lagaga wada xaajooday ama lagu gorfeeyay sidii loo samayn lahaa siyaasad qorshaysan oo lagula dhaqmo dadka qaxoontiga ah ee dalka soo gala. Marka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee soo qaban qaabisay, waxa iyana gacan ka geystay qabanqaabada kulankaa hay´adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xaqoontiga ee UNHCR.
Sidoo kale waxa kulankaa kasoo qayb galay kale Hay´addaha ay wada shaqaynta leeyihiin hay´adda UNHCR, ee iyaguna ku hawlan daryeelka iyo wax u qabashada dadka qaxoontiga ah ee dalka ku soo barakacay, iyadoo kulankaa dhinaca kale lagu casuumay sharciyaqaano iyo Aqoonayahano khibrad u leh arrimahaa qoxootiga
Kulankan ayaa la filayaa muddada uu socdo in laga soo saaro siyaasad iyo qodobo dhaxal gal ah oo salka ku haya qaabka loola dhaqmi lahaa dadka qaxoontiga ah eek u sugan Somaliland iyo sidii go;aamada kasoo baxaa ay u noqon lahaayeen kuwo meel mar ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay shirkaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in siyaasad cad laga yeesho dadka Qaxoontiga ee dalka ku soo badanaya, wuxuuna tilmaamay in loo sameynayo qorshe siyaasadeed oo ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa dadka qoxootiga ah ee buuxdhaafiyay magaalooyinka Somaliland.
Dadka Qaxoontiga ah eek u sugan Somaliland ayaan si cad loo ogayn tiradooda rasmiga ah iyo meelaha ay ka kala yimaadeen, kuwaas oo sanadii u danbeeyay tiradoodu soo kordhaysay, isla markaana dadkaa oo qaarkood ka yimaadeen Koonfurta iyo gobolada kale ee Somalia oo dagaalo ka socdaan ayaanay ilaa hada aqoonasanayn qoxootinimadooda Ha’yada qaramad midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR, iyadoo ay jiraan dad kale tiradoodu maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhayso oo si weyn looga dhex arko suuqyada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan Magaalada caasimada ee Hargeysa, kuwaas oo ka yimadaa dhinaca dalka Ethiopia, isla markaana kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Ethopia.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380