Buuhoodle (ANN) Wefdiga xukuumadda Somaliland ee sugan widh-widh iyo Madaxdhaqameedka deegaanka Sool oo shalay u bilaabmay shir lagu xalinayo khilaafaadka siyaasadeed iyo tabashooyinka ayaa soo saaray go,aamo ka kooban dhawr qodob oo ay labada dhinac isla qaateen.
Qodobada Go’aamada la isla Gaadhay ee ka soo baxay Shirkaa, waxa ugu mihiimsan shanqodob, kuwaas oo ahaa sidan;-
1- In la Adkeeyo Nabadda Si Wada jirana looga Wada Shaqeeyo
2- In la Fidiyo Gogosha Nabadeed oo anay ku Eekaan Degmo , Gobo l ee ay wada Gaadho Beel waynta Dhulbahante.
3- In La Fidiyo Maamul , Isla markaana la Balaadhiyo Barnaamijyadda Horumarineed ee laga Fulinaayo Deegaankaasi.
4- In Xukumadda Soomaaliland Mag Dhaw ka Bixiso Dadki Shicibka ahaa eek u Dhintay Dagaaladii ka Dhacay Wakhtigii Xukuumadda Rayaale.
5- In Ciidanka Qaranka eek u Sugan Degaankaasi Wada Shaqayn Wanaagsan la Yeeshan Bulshadda Deegaanka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380