Boosaaso(ANN)Maamulka Puntland ayaa maanta Dil Toogasho ah ku fuliyay Laba Nin oo dhalinayaro ah, kuwaas maanta lagu toogtay duleedka Magaaladda Boosaaso. Kadib markii Maxkadd loo sameeyay dadka denbiyada culus gala ay ku xukuntay in labadaa Nin oo kasoo jeeda
deegaamada Malayshiyada Wadaadka Sh.Maxamed Siciid Attam ee dagaalka kula jira maamulka Puntland ee Buuralayda Gal-gala Iyo Malayshiyada SSC lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxdaa Attam oo ay ka barbar dagaalamayeen.
Sidaana waxa shebekada warbaahinta ee Araweelonews u xaqijayay dad ku sugan Magaalada Boosaaso oo la socday dhacdadaa. Labada Wiil ee Dhalinyarada ah ee maanta Ciidamada Puntland ku fuliyeen toogashada Magaaladda Boosaaso ayaa magacyadooda lagu sheegay Siciid Cismaan Siciid (Sudeysi), oo31 jir ahaa iyo Axmed Faarax Daarood (Muxsin) oo 22 jir ahaa. Maxakamadda ayaa Labadaa Nin mid ka mida ku tilmaantay inuu kasoo jeedo Deegaanka Laascaanood, isla markaana uu ka tirsan yahay kooxda SSC, halka ay ka kalena ku sheegtay inuu kasoo jeedo Deegaanka Gal-gala ee fadhiisinka u ah wadaadka Sh. Maxamed Siciid Atta moo dagaal kula jira maamulka Puntland, iyadoo lagu eedeeyay inay ka mid yihiin malayshiyadiisa, balse warar kale ayaa sheegaya inay labada Nin ee la toogtay kasoo jeedeen deegaanka Gal-gala. Sidaa awgeed aanay waxba ka jirin in mid ka mid ahi kasoo jeedo deegaanka Sool.
Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Maxkamaddu ku riday xukunka Labadaa Nin oo aan loo qaban wax qareeno ah oo ka difaaca waxyaabaha lagu eedaynayay, taas oo aan waafaqsanayn qaanuunka caalamiga ah ee aduunka, isla markaana waxa jira warar kale oo sheegaya in la fuliyay dilkaa toogashada ah wax yar ka dib markii uu dhacay xukunka maxakamaddu. Dadka kasoo jeeda deegaanka Gal-gala ayaa aad uga xumaaday qaabka loo fuliyay xukunkaa, waxayna ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn shareecada Islaamka iyo shuruucda caalamiga ah.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380