Berbera(ANN) Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxman C/llaahi Ismaacill (Saylici) ayaa ka qayb galay xaflad si weyn loo agaasimay oo loo qorsheeyay Maxrajka Xoolaha ee shirkada Indhadeero Group, kaas oo maanta si rasmi ah looga furay
Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Kadib markii uu xadhiga ka jaray Madaxweyne xigeenka Somaliland.
Furintaanka munaasibada Maxrajkaa oo ah kii labaad ee laga furo Magaalada xeebta ah ee Berbera, waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu hogaamimanayo Madaxwayne ku xigeenka S/land C/raxmaan C/llaahi Saylici oo ay wheliyeen Wasiiradda Xanaanada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi Oday, Ganacsiga C/risaaq Khaliid Ahmed, Badhasaabka G/Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Rubaax), Duqqa Degmeda Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Salaadiin, Ganacsato, warbaahinta somaliland suxufiyiin ka socday warbaahinta caalamiga ah, ganacsato ka timi dhinaca kililka shanaad ee Ethiopia oo uu hogaaminayay ganacsade Axmed Nuur Maxamed iyo boqolaal qof oo ka socday qaynaba kala duwan ee Bulshada.
Madaxwayne xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaacill (Saylici) oo ka hadlay munaasibadaa ayaa u mahadnaqay Shirkadda Indhadeero Group, isagoo ugu hambalyeey guusha ay gaadheen iyo waliba hirgelinta Maxjarka Cusub, wuxuuna xusay inay xukuumadu marwalba diyaar u tahay dhiirigalinta ganacsatada, isagoo muwaadiniinta u soo jeediyey inay ka faaidaystaan Maxjarka.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga S/land C/risaaq khaliif Axmed ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka hadlay ku sheegay inay u mahad naqayaan shirkada, isagoo balanqaaday inay wasaarad ahaan dhiirigalinayaan Ganacsiga xorta ah. Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maxamuud Xaashi Oday oo ka hadlay munaasibadaa ayaa sheegay in maxjarkan ay wixii laga bilaabo maanta ay maamulkeeda leedahay Dawladu, waxaana meesha ka saaray in aanay Xukuumadu marna is hortaagin furida maxjarkan, balse ay doonayeen in la sharciyeeyo oo ogolaansho laga soo qaato Wadamada loo iib gaynayo Xoolaha, taas oo sida uu sheegay xiligan soo dhamaatay hawshiisu. Sidaa awgeed maanta laga bilaabo uu furan yahay Maxjarkani oo u furan yahay cidkasta oo xoolo marinaysa oo raacda nidaamka sharciga ah. Dr. Xaashi Oday waxa uu xusay in Maxjarkaa ay maamulayso Dawladu cidii lacagi ka gashayna loo celin doono mustaqbalka.
Maayarka Magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay munaasibadaa ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Furitaanka Maxjarkan cusub, isagoo xusay inay soo dhawaynayaan cidkasta oo maalgashanaysa Magaalada Berbera. Sidoo kale Badhasaabka G/Saaxil ayaa Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Rubaax), oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii Maxrajka ayaa sheegay inay wax lagu daydo tahay shirkada Indhadeero Group sida ay dalkooda ugu quudheen oo ay u gashadeen Maalkooda,
Gudoomiye xigeenka Shirkada maal gelisay maxrajkaa Mr. Naasir X. Cabdi Cawad Cali oo ah Masuuliyiinta ugu saraysa ee shirkada Idhadeero Group, ayaa tafaasiil kabixiyey dadaaladii dheeraa ee ay u soo mareen Maxajarkaa hirgalintiisa, isagoo tilmaamay in Maamulaha Guud ee shirkada Indhadeero Group Mr.Mustafe Cabdi Cawad uu lahaa Fikrada Maxjarkan, isla markaana hamigiisii kaga midha dhaliyey Hagardaamooyin badan kadib.
Mar uu ka hadlayay yagleelida Maxjarka iyo qaabka loo maalgeliyay, waxa uu sheegay in laba shirkadood maalagashadeen, kuwaas oo kala ah Indhadeero Group iyo Prame International Com. Oo ay leeyihiin ganacsato Carbeed, wuxuuna xusay in Qaybta hada dhamaatay qaadayso 250.000 (laba boqol iyo konton kun) oo adhi ah, iyadoo lawado qayb kale oo iyana intan kabadan, taas oo ay ka hawlgelayaan shaqaale dhan 450, kuwaas oo isugu jira muwaadiniin iyo Ajaanib.
Tan iyo markii dawlada Sucuudigu ku dhawaaqday ogolaanshaha maxrajka xoolaha ee Magaalada Berbera todobaadkii hore waxa si wey isu bedelay suuqyada seyladaha ganacsiga xoolaha Somaliland oo dhaqdhaqaaqooda iyo qiimahooduba kor u kacay, iyadoo ay dadka ka shaqeeya xooluha iyo bulshada kaleba soo dhoweeyeen dhawaaqa dawlada sucuudiga ee ogolaanshaha maxjarka Berbera, taas oo ay ku tilmaameen mid meesha ka saaray ganacsigii dhinaca xoolaha ee uu kootada ku haystay ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri oo ay xukuumadii lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada Somaliland u ogolaatay, taas oo khilaaf iyo muran dhinaca dhoofinta iyo ganacsiga xoolaha ka abuurtay Somaliland xilgaa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380