Gedo(ANN)Cutubyo katirsan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo. Kadib markii ay halkaa ka bexeen xalay ciidamadda dawlada taagta daran oo dhowaan qabsaday.Qaar kamida dadka
degaanka ayaa sheegay in markii ay soo galeen magaaladaa ciidamada Mujaahidiinta aanay jirin wax dagaalo ah oo halkaasi ka dhacay, madaama xilaga ay soo galayeen degmadu ay aheyd mid haawaneysa oo ay iskaga baxeen Ciidamada DKMG ah, kuwaas oo sida wararku sheegayaan ka cabsi qabay weeraro ay Xarakada Mujaahidiinta Al –shabaab kusoo qaadaan halkaasi.
Masuulka Al-shabaab u qaabilsan deegaanka Geddo Sheekh Bishaar Aadan Cadi oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in degmada ay iyaga gacan tooda ku jirto ,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Mujaahidiinta Al shabaab, isagoo xusay inay guda geli doonaan Tirakoobka dadkii ay hantidooda ay dhaceen Ciidankii dowladda intii ay kusugnaayeen halkaa oo uu ku eedeeyay inay boobeen hantida dadka, isla markaana ay u geysteen dadka rayidka ah dhibaatooyin intii ay sugnaayeen halkaa ciidamada dawladu, wuxuuna ku tilmaamay dhibaatooyinkaa inay ka mid ahaayeen dhac ay ugeysteen Hantida dadka rayidk a ah, jidh-dil dadka qaar ay u geysteen, iyagoo sida uu ku dooday ku eedaynaya inay ka tirsan yihiin Xarakada al shabaab, iyo haweenka qaar kood oo ay kula kacayeen falal ka baxsan Anshaxa islaamka. Ayuu yidhi.
Dhinaca kale Khamiistii shalay ka hor intii aanay ka bixin ciidmada dawlada taagta daran waxaa magaalada Balad-xaawo lagu dilay gabadh aan wax magaceedu ahaa Marxuumad Muraayad Macalin Rashiid Sheikh Cabdiraxman, ka dib markii ay haleeshay rasaas ay ciidamada DKMG ah eek u sugnaa Beled-Xaawo ku rideen gaadhi dad shicib ah siday. Gaabadhaa oo sida ay wararku sheegayaan ka mid aheyd dadkii ka qaxay Balad-xaawo markii ay ciidamada Barre qabsadeen. Waxayna wararku sheegayaan inay ciidamada DKMG ah mudadii ay halkaa ku sugnaayeen falal sidan oo kale dad shicib ah rasaas ay rideen galaafato. Iyadoo ay dadka badankiisu ka qaxeen magalaadaa mudadii ay haysteen ciidmada Barre Hiiraale.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380