Hargeysa(ANN)Waasiirka Maliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inay mudanayaal ka tirsan Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu u soo gudbiyeen qoraal ay kaga codsanayaan in mushaharooyinka loo kordhiyo
Mudanayaasha Wakillada iyo Guurtida,isla markaana hoos loo eego mushaharooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-Xigeenka somaliland.
Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo xalay khadka telefonka kula soo xidhiidhay wargayska Jamhuuriya , isagoo daba socday war wargaysaka ku soobaxay nuxurkiisuna ahaa”19 Mudane oo shirgudoonka Golaha Wakiilada u gubiyey mooshin falladh kulul ku noqotay Xukuumadda Siilaanyo oo mushaharooyinka loo kordhinayo shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamadda.
Mooshinka ay Wakiilladu soo gudbiyeen oo ka naxiyey Wasiirka Maliyadda waxaa uu sheegay in haba yaraatee aanu arag mooshin mudanayaashu ku dalbanayaan mushahar kordhinta shaqaalaha oo lasoo gaadhsiiyey , balse waxa uu xusay in ay todobaadkan u yimaaden saddex mudane oo ka tirsan Guddida dhaqaalaha ee Wakiiladda oo ka dalabaday in mudanayaasha loo kordhiyo mushaharadda ay qaataan ,kuwaas oo uu tilmaaay in uu ka diiday.
Waxaanu yidhi wasiirku “Warkan ku soo baxay wargayskiina ee odhanaya Wasiirka maliyadda oo ka naxay mooshin mushaharka loogu kordhinaayo shaqaalaha Dawlada iyo Ciidamadda idinkaa og meesha aad ka keenteen mooshin aan arkay iyo cid aanu ka wada hadalnayna ma jirto ,kordhinta mushaharooyinka iyo shaqaalaha Dowlada iyo Ciidamaduna waxaa ay ku jiraan barmaamijkii siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE .
Waxaa aniga ii yimi saddex mudane oo ka tirsan Gudidda Dhaqaale ee Wakiillada oo kala ah Maxamed Cumar Xaashi , Saleebaan Bukhaari iyo mid kale oo aanan hada magaciisa xasuusnayn .
Waxaa ay ii keeneen qoraal oo ay ku codsanayaan in labada gole ee baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida) mushaharooyinka loo kordhiyo,mushaharka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenkana hoos loo eego waxaan ku idhi arrintaa mushahar kordhinta waad ku ceeboobaysaane ka jooga oo shaqaalahii Dowlada iyo Ciidamadii oo jooga waxba lay din kordhinmaaye.
“Waxaanan nimankaa xildhibaanada ah u sheegay in wixii mushahar la kordhinaayo kala ogaan doono 15 november, 2010 markaan ogaano dakhliga ina soo geli kara, markaa saddexda mudane uun baanu is aragnay ee cid kale oo mooshin ka hadlaysa is maanu arag ,mooshinkaan shaqaalaha loogu kordhinaayo ee aad sheegaysaana shalaybaanu maqalnay ,wax aan ka naxayna ma jirto” Sidaa waxaa yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo cadeeyey in ay Xildhibaano Wakiillada ka tirsani ka codsadeen in mushaharooyinka loo kordhiyo.
Xigasho: Jamhuuriya