Hargeysa(ANN)Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay ka xun tahay khasaaraha soo gaadhay Ganacsatada reer Somaliland. Kadib markii Markab u raraa uu ku degay shalay duleedka Salaala ee xeebta dalka Cummaan. Markabkaa oo usoo jeeday Dekedda Magaalada Berbera,
wuxuu kasoo shiraacday dhinaca dalka Emaraatka ee Magaalada Dubai, halkaas oo laga soo saaraay 1900(kun iyo sagaal boqol) oo Tan, iyadoo uu siday badeecado malaayiin dollar ah, kuwaas oo isugu jiray 187 gaadiid ah, Bagaash iyo Badeecado kale oo kala duwan.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa u dhignaa sidan:- “Anigoo ku hadlaya magaca Wasaarada Maalliyadda, waxaan aad iyo aad uga xumahay khasaaraha soo gaadhay ganacsatadayada baddeecadii uu kala degay markabkii magaciisu ahaa M/V,Paramatta ee laga soo raray Dubai kuna degay xeebta dalka Cummaan.
Waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu cawil naq ka siiyo Ganacsatadaasi khasaarahaas soo gaadhay maalkoodii.”
ayaa lagu yidhi qoraalka kooban ee kasoo baxay xukuumadda Somaliland.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380