Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maamulka Dekeddaha Somaliland ka hoos saaray Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, taas oo markii u horaysay
maamulka xukuumada cusub ee dhowaan Madaxweynuhu magcaabay maamulkeeda la raaciyay Wasaaraddaa. Kadib markii wax ka bedel lagu sameeyay dhismaha Wasaaraddo iyo Ha’yado horu u kala gaar ahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dekeddaha Dalku, iyadoo wixii ka horeeyay xukuumada cusub maamulka Dekeddaha Dalka laga maamulayay Madaxtooyada Somaliland.
Ma jiro qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada oo sheegaya in Madaxweynuhu kaga hoos saaray wasaaraddaa maamulka Dekeddaha, balse warar xog ogaal u ah qasriga madaxtooyada ayaa shebekada Araweelonews u xaqiijiyay in Madaxweynuhu Wasaaradda Kaluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Dekeddaha ka hoos saary maamulka Dekeddaha Dalka, isla markaana xogaha la xidhiidha warkaa ayaa sheegaya in si ku meelgaadh ah looga maamulayo Dekeddaha Somaliland Madaxtooyada Somaliland.
Ilaa hada ma cada sababta maamulka Dekeddaha looga hoos saaray Wasaaraddaa, balse waxa jira warar xog ogaal u ah arrimahaa oo sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo talaabadan qaaday ka dib markii muran iyo khilaaf hoose oo la xidhiidha wada shaqaynta wasaaraddaha Kaluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Wasaaradda Maaliyada soo if baxay mudooyinkii u danbeeyay, kaas oo labada wasiir ee wasaaraddahaa Dr. Maxamed Yaasiin Xasan iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi uu murankooda Madaxweyne Siilaanyo u saaray gudi, taas oo sida ay xoguhu sheegayaan keeni weyday xal iyo wada shaqayn labadaa masuul, kuwaas oo muranka ugu weyni ku dhexmaray Dekedda Berbera oo ah goobaha ugu weyn dhinaca dakhliga dalka, isla markaana kulmisa maamulka wasaaraddahaa, kuwaas oo wada shaqayntoodu xumaatay. Kadib markii ay isku maandhaafeen maamulka goobaha Dakhliga.
Maamulka Dekeddaha Dalka xiligii Xukuumaddii Marxuum Cigaal iyo xukuumadii Daahir Rayaale talada haysay, waxay si toos ah u hoostagi jirtay Madaxtooyada, laakiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Xisbiga uu Guddoomiyaha ka ahaa ee KULMIYE, ayaa hore u balanqaaday in aan cid gaar ahi ka faa’iidaysanayn dakhliga Dekadda Berbera ka soo baxa oo aan Miisaaniyadda dawladda lagu dari jirin. Balse Dekadda Berbera ka mid noqon doonto ilaha dhaqaalaha ee dakhligooda lagu dari doono ka dawladda dhexe. Sidaana Madaxweyne Siilaanyo dhismaha xukuumadiisa cusub ku raaciyay maamulka Dekeddaha Dalka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380