Hargeysa(ANN)Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay ajandaha golaha horyaal ee kalfadhiga Afartanaad. Kadib markii ay maanta isugu yimaadeen kulan. fadhiga
golaha oo ka dhacay maanta Hoolka sare ee xarunta dhismaha wasaaradda arimaha gudaha Somaliland, waxa guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, iyadoo ay ka soo xaadireen madasha fadhiga 46 Xildhibaan. Gudoomiyaha ayaa hadal kooban uu mudanayaasha ujeediyey ka hor intii aanay ansixin qodobada ajandahu ka kooban yahay, waxa uu ku sheegay in la soo xadiday qodobada uu ka kooban yahay ajandaha kalfadhiga 40-naad ee Golaha Guurtida, isla markaana loo baahan yahay in cod loo qaado ansixintiisa.
Waxaana ansixinta qodobada kalfadhiga 40-naad ogolaaday 39 mudane, 5 mudane ayaa diiday midna wuu ka aamusay, Guddoomiyuhuna muu codeyn. Sidaa ayuuna ku ansaxay gebi ahaanba qodobada uu ka kooban yahay Ajandaha golaha horyaal, qodobadaas Ajandaha oo ahaa sidan;-
1. War-bixinta Shir-guddoonka
2. War-bixinta Gudida Joogtada ah
3. Arimaha Siyaasada ee Gudaha iyo Dibedda
4. Nabadgalyada iyo Horumarinteeda
5. Wacyi-gelinta Dadweynaha ee dhinaca amniga iyo nabadgalyada guud
6. Xoojinta hawlgalada Socdaalka ee ku wajahan la socodka dhaq-dhaqaaqyada dadka ka imanaya daris-yadeena
7. Arimaha Bulshada
8. Tayeynta iyo dib u eegista siyaasada waxbarashada
9. Horumarinta adeegyada kala duwan ee dhinaca caafimaadka
10. Ka hortaga cudurka dilaaga ah ee HIV-Adis-ka
11. Arimaha dhaqaalaha iyo ganacasiga
12. Duruufaha dhaqaale iyo siyaabaha looga gudbi karo
13. Ilaalinta iyo daryeelka deegaanka
14. Mashaariicda Xeerarka
15. Xeer hoosaadka Baarlamaanka
16. Dhamaystirka mashruuc xeer ee nabadagalyada wadooyinka
17. Dib u eegista xeerka nabadglayad guud ee dalka
18. Diyaarinta mashaariicda xeer
19. Budhcad badeedka, Argagixisada iyo wixii kale ee soo kordha.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380