Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Dowladda taagta daran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wax yar ka hor Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Xaruunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaga dhawaaqay Magacaabista Raysal Wasaaraha Cusub,
kaas oo Lagu Magacaabo Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaarjo), iyadoo uu goob joog ka ahaa masuulka xilkaa loo magcaabay Raysal Wasaaraha Cusub, kaas oo goobta ka hadlay, isagoo sheegay inuu soo dhisi doono maalmaha soo socda Xukuumad kooban oo wax qabata.
Ninka loo magcaabay Raysal Wasaaraha Cusub ee Somalia ayaa ahaa mid aan mar keliya magaciisa laga maqal dadkii loo hadal hayay in loo magcaabo, islamarkaana aan ku jirin Saadasha qofka uu Madaxweyne Sheekh Shariif u Magacaabi doono Raysal Wasaaraha Cusub. Masuulka xilkaa raysal wasaaraha loo magcaabay ayaa kasoo shaqeeyay Safaarada Soomaalida ee Magaaladda Washington ee Cariga Mareykanka.
sidoo kale Raysal Wasaaraha Cusub ayaa mudo kusoo jiray Saaxada Siyaasada Soomaalida isagoo Xilal kala duwan kasoo qabtay Siyaasada Arimaha Dibada Ee Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay safaaradda Soomaalida ee Washington sannadihii siddeetamaadkii oo xiligaa uu ka ahaa diplomaasi. Ka dibna burburkii Soomaaliya, wuxuu ka shaqeeyay hawlo kala duwan, isla Mareykanka oo ay ugu dambeysay Waaxda Gaadiidka ee gobolka New York sida ay u sheegeen shebekada araweelonews dad aqoon u lahi. Inkasta oo Masuulkan Mr. Farmaajo la garanayn heerka ay gaadhsiisan tahay Aqoontiisa iyo waxbarashadiisa meelaha uu kusoo qaatay. Hase yeeshee waxay dadk aqoonta u lihi sheegeen shebekada Araweelonews inuu kasoo jeedo Deegaanka Caabudwaaq Maxamed C/laahi uu yahay qiyaastii 48 jir, isla markaana uu muddo ka badan 20 sano ku noolaa dalka Maraykanka, isagoo ka baxay Jaamacadda Buffalo ee dalka Mareykanka sannadkii 1993, taas oo uu ka qaatay shahaaddada koowaad. Isla Jaamacaddaa ayay sheegayaan dadka aqoonta u lihi inuu ka qaatay shahhaaddada labaad (MA) sannadkii 1999.
Raysal Wasaaraha cusub ayaa la filayaa sida uu goobtaa ka sheegay inuu soo dhiso Maalmaha soo socda Xukuumad Kooban, taas oo uu balan qaaday inay noqon doonto mid taylo leh.
sidaad u aragtaa raysal wasaaraha cusub, mushkilada Somalia xal ma u noqonaysaa magcaabista raysal wasaare cusub, fadlan ka qayb qaado mawduuca dooda oo rayigaaga ka dhiibo. ku qor halka hoose. kadibna soo dir, waanu tixgelinaynaa rayigaaga.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380