Hargeysa(ANN)Guriga uu degan yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale ayaa maanta dil ka dhacay. Kadib markii tacshiirado rasaas ahi ka dhaceen saaka barqadii. Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen warar ku dhow dhow guriga cawil ,
waxayna warar xog ogaali u sheegeen shebekada Araweelonewsin tacshiirada rasaasta ee ka dhacady guriga uu degan yahay wasiirkii hore ee maaliyada Cawil Cali Ducaale oo ku yaala dhinaca woqooyi ee xaafada shacabka uu ku geeriyooday mid ka mid ah Ilaaladiisa oo magaciisu ahaa Muuse Bidhiidh Khadar oo lagu qiyaasay 26 Jir . Kadib markii ay haleeshay rasaas ka dhcaday guriga wasiirkii hore ee maaliyada Cawil.
Ma jiraan warar xaqiijinaya sababta uu dilku u dhacay iyo cida rasaasta dhimashada keentay riday, waxaana jira warar sheegaya inay laba ka mid ah Askarta Ilaalada wasiirkii hore is afdhaafeen. Kadibna ay rasaas isku fureen sidaana uu ku dhinatay marxuumka geeriyooday, lama garanayo inuu khasaarahu intaa ka badanyahay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu dhaawac soo gaadhay mid kale oo ka mid ah Askarta Ilaalada wasiirkaa hore, isla markaana dhawr goor oo aanu isku dayanay inaanu wax ka weydiino arrintaa wasiirkii hore iyo saraakiisha Bilayska ayaanay noo suurta gelin.
Marxuumka ayaa maydkiisa la keenay maanta barqadii cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaana la sheegay in lala sugayo qoyskiisa. Si markaa ka dib loo aaso maydka marxuumka.
Wixii kasoo kordha falkaa kala soco shebekada wararka ee araweelonews.com
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380