Hargeysa (ANN) “Inaynu hore u talaabsano oo aanu u gudubno Casri iyo wakhti la socda dhinac walba inaynu gaadhno waa mid aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay,” sidaa waxa yidhi, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo
maanta xadhiga ka jaray carwadii shanaad ee shirkadaha wadaniga ahi kusoo bandhigaan wax soo saarkooda iyo badeecadaha kala duwan ee ay dalka keenaan.
Carwadaa oo laga furay dhismaha xarunta shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, waxa uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) soo kormeeray dhamaan goobaha ay shirakaduhu kusoo bandhigeen badeecadihii ay keeneen carwada, isagoo halkaa ka jeediyey khudbad dhiirigelin ah, taas oo uu ku bilaabay, sidan;- “Waxa farxad weyn maanta ii ah inaan ka soo qeybgalo Carwadii shanaad ee dalkeena, waxaan ku faraxsanay inay maanta intaas oo dad ahi isku timi, inaga oo muujinayna in dadkeena iyo dalkeenu uu wax qabsan karo, iyo halka uu gaadhi karo farsamooyinka uu maanta ku talajiro inuu hirgeliyo dhinaca ay doonto ha noqotee, dhinaca isgaadhsiinta, Beeraha, dhinaca wax soo saarka kala duwan iyo farsamooyinka loo baahanyahay oodhan” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa isagoo ay wejigiisa ka muuqato farxad iyo dhoolacadayni, isla markaana la dhacsan waxyaabaha lagu soo bandhigay halkaa ee waxsoosaarka ganacsiga shirkadaha dalka iyo qaababka kala duwan ee ay horumarkooda farsamada casriga ah ku muujiyeen shirkaduhu. Ka dib markii ay shirkada ugu wayn isgaadhsiinta ee Telesom soo bandhigtay adeega (Camera Online) oo ah qalab inta badan maqal uun ku ahaa dadweynihii iyo madaxdii ka soo qaybgalay furitaanka carwada.
Iyadoo Shirkada Telesom adeega isgaadhsiinta ee maqalka iyo muuqaalka ah (Camera Online) si furan ugu suurta gelisay in Madaxweynaha oo ku sugan xarunta Carwada dhexdeeda uu la hadlo isaga oo arkaya dhamaan Badhasaabada ku sugan gobollada dalka Jamhuuriyada Somaliland, isagoo si kooban uga waraystay xaalada deegaanada ay ku nool yihiin iyo dadweynuhu ku sugan yihiin. Waxayna dhamaan gudoomiyeyaasha goboladu salaameen Madaxweynaha, kuwaas oo siiyay warbixino kooban. Arrintaa oo inta badan ku cusbayd dadweynaha ayaa noqotay talaabo dhoola-tus ah oo ay shirkadani ku muujinaysay awoodeeda iyo sida ay uga faa’iidaystay aqoonta Tiknoolajiyada ee wakhtigan dunida laga isticmaalo.
Madaxweynaha oo markaa kadib ka hadlaya dareenkiisa arrintaa ayaa waxa uu yidhi; “Inaynu hore u talaabsano oo aanu u gudubno Casri iyo wakhti la socda dhinac walba inaynu gaadhno waa mid aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay, waa mid hadii aan madaxweynihii qaranka ahay aan diyaar u ahay inaan qaadno talaabo kasta dhiirigelinaysa wax soo saarka, iyo hal-abuurka dadweynaha reer Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Wuxuuna xadhiga ka jaray Carwada.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Cabdiraxmaan Faarax Sugaal ayaa Madaxweynaha faahfaahin ka siiyay rugta ganacsiga iyo hawlaha ay qabto, isaga oo sheegay inay muhiimada laga leeyahay tahay sidii ay shirkadaha kala duwan ee Somaliland ugu noqon lahayd Suuq-gayn, isla-markaana ay shacabkooda u soo bandhigaan wax soo saarkooda.
Masuuliyiinta iyaguna halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga oo sharaxaad ka bixiyay faa’iidada ay carwadani u leedahay bulshada iyo shirkadaha wadanka. Waxaana uu tilmaamay inay noqonayso halbeeg ay xukuumada lafteedu ku ogaanayso, si ay qiimayn dhab ah uga hesho waxqabadkooda.
Sidoo kale waxa Furitaankii Carwadan goob joog ka ahaa Wasiiradda Wasaaraddaha Warfaafinta Cabdilaahi Ismaaciil (Geel-jire), Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, dadweyne aad u tira badan iyo marti sharaf kale.
Inkasta oo badeecadaha lagu soo bandhigay halkaa intooda badani ahaayeen waxyaabo ay ganacsi u keenaan shirkadaha soo bandhigay, balse aanay ahayn wax soo saar dhab ah oo wadanka gudihiisa kasoo baxay, marka laga reebo dhawr shirkadood oo fara ku tiris ah.
Hase yeeeshee bandhiga shirkadaha ee ganacsoga badeecadaha kala duwan ee dalka lagu farsameeyay, kuwa ay sameeyaan shirkado shisheeye iyo kuwa kasoo baxay dalka gudihiisuba, waxay fursad u noqonayaan dadweynaha, kuwaas oo nasiib u helaya inay wax kasta oo halkaa lagu iibinayo ku helaan qiimo aad uga jaban ka suuga lagaga iibinayo. Carwadaa oo soconay mudo todobaad ah ayaa noqonay tii shanaad ee nooceeda ah ee lagu soo bandhigo dalka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380