Hargeysa (ANN)Xildhibnaanada Golaha Wakiilada, ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey koox ka mid ah guddoomiyayaasha hay’adaha madaxbannaan ee ugu mihiimsan xukuumada uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay.
Fadhigii maanta ee golaha oo uu gudodominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa afar ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha ugu mihiimsan ee madaxa bannaan lagu horkeenay, si cod loogu waydiiyo golaha, iyadoo ay dhammaantood ku meemariyeen codad aqlabiyad ah.
Ka hor intii aan codka golaha loo qaadin, waxa mudanayaasha loo akhriyey taariikhda waayo-aragnimo, waxbarasho iyo xirfadeed ee masuuliyiintaasi oo kala ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Ducaale iyo Hantidhawraha guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim, isla markaana waxa iyaga mid walba la siiyey waqti kooban oo uu ummadda ugu sheego waxa uu u qabanayo.
Haddaba, codadkii loo qaaday masuul iyo tirooyinkii ay kala heleen waxay ahayd sidan;
* Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir, waxa ogolaaday 57 mudane, hal mudane ayaa diiday, cid ka aamustay may jirin.
* Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, waxa codka oggolaanshaha siiyey 57 Mudane, hal mudane ayaa diiday, cid ka aamustay may jirin.
* Xeer-Ilaaliyaha Guud ee qaranka Xasan Axmed Ducaale, waxa oggolaaday 56 mudane, hal Xildhibaan ayaa diiday, hal mudane ayaa ka aamusay.
* Hanti dhawraha guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim, waxa ogolaaday 58 Mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna ma jirin.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380