Muqdisho(ANN)Suuqa ugu weyn ganacsiga ee Bakaaraha oo ku yaala magaalada muqdisho ayaa dab qabsaday galabta. Dabkaa oo ka bilaabmay qaybta Bacadlayaasha ee gudaha suuqa ayaan ilaa hada war laga hayan sababta dhalisay, balse
waxa jira warar sheegaya inuu ka dhashay madfac ku habsaday halkaa, iyadoo dagaalo maalintii sadexaad galay ka socdeen magaalada muqdishi, isla markaana madaafiicda iyo duqaynta labada dhinac madaafiic inta badan dhibaato naf iyo maalba u geystaan suuwaa iyo goobaha kale ee shacbiga ku dhaqan halkaa.
Dabka ayaa waxa uu suuqaa ka kacay galabnimadii, isla markaana waxa markiiba hawada isku shareeray qiiq iyo Olol, iyadoo gaadiidka dab damiska ee ay leedahay Shirkadda Igaarsiinta Hormuud ay mar danbe gaadheen halkaa, kuwaas oo ku guuleystay inay baqtiiyaan dabka ka kacay Suuqa bacaadlaha ee dhinaca Cabdalla Shideeye, balse lama oga khasaaraha uu guystay.
Dhinaca kale Wafti balaadhan uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Safar aan hore Loo Shaacin ku tagay maanta Magaladda Nairobi ee Xaruunta Wadanka Kenya, Safarka Madaxweynaha ayaa Waxaa u Xaqiijiyay Warbaahinta Saraakiil katirsan Madaxtooyada Somalia.
Waftiga Madaxweyne Sheekh Shariif ee Safarka ugu baxay Magaaladda Nairobi, Waxaa Ka mid ah Wasiirka Arimaha Debeda Yuusuf Ibraahim Dheeg, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xildhibaan Daahir Geele, Xildhibaan Faadumo Insaan iyo Xildhibaano kale oo katirsan Baarlamaanka.
Socdaalka Madaxweyne Sheekh Shariif ee Nairobi oo aan laga warqabin ujeedadiisa ayaa lagu tilmaamay mid salka ku haya sidii uu Latashiyo ku saabsan Magacaabista Raysal Wasaaraha Cusub ugala sameyn lahaa Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Magaaladda Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya. Iyadoo la filayo kulan balaadhan la qaato Madaxweynaha Jamuuriyada Kenya oo ay labada Madaxweyne kulankooda kaga wada hadli doonaan Arimaha Gobolka iyo Xidhiidhka u dhaxeeya Labada dalka.
Sidoo kale Mudane Sheekh Shariif ayaa Waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda kMG ee ku sugan Magaaladda Nairobi, kuwaas oo sida xogo laga helay tibaaxayaan inuu kala tashan doono qofka uu u Magacaabayo Jagada Raysal Wasaaraha.
Madaxweyne Shariif intii aanu ka bixin Muqdsiho wuxuu kulamo la yeeshay Xildhibaano katirsan mudanayaasha Baarlamaanka Dawladda KMG ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ay kulankii dhexmaray kaga wada hadleen sidii uu Raysal Wasaaraha cusub ugu magcaabi lahaa Maxamed C/laahi Oomaar oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladda KMG ah ee Soomaaliya hadana ku sugan Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan C/naasir Gaarane Maxamed ayaa ka mid ahaa mudanayaasha Madaxweyne Shariif kala hadlay buuxinta jagadaa oo ay ka dalbadeen inuu u magcaabo Maxamed C/laahi Oomaar oo ah masuul muddo kusoo dhex jiray Dawladahii KMG, isla markaana dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, taas oo sida xogo ay shebekada araweelonews heshay sheegayaan inuu soo jeedintaa u guuxay madaxweyne Shariif.
C/naasir Gaarane Maxamed ayaa waxa in uu Madaxweynahu aqbalay talo soo jeedinta ay sameeyeen isla markaana ay xilligan rajo wanaagsan ka qabaan in Maxamed C/laahi Oomaar loo magcaabo Raysal Wasaaraha cusub ee Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Maxamed C/aahi Oomaar oo markii ahaa wasiirka arrimaha debeda ee dawlada taagta daran ayaa xiligan ka mid ah musharraxiinta u sharraxan xilka Raysal Wasaarenimada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Dagaallo ayaa maalintii saddexaad galay ayaa ka socda qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan, iyadoo dagaalka xoogiisu maanta ka dhacay xaafaddo ay ka mid yihiin African Village, Xero Ruush iyo Kaaso-Bal-balaaro.
Ilaa inta la ogyahay 20 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaallada maanta, kuwaas oo sida ay wararku sheegayaan ay ku habsadeen madaafiicda labada dhinac is-weydaarsanayaan, iyadoo ilaa inta laga warqabo 30 qof oo rayid ahi ku dhaawacmeen dagaallada, kuwaas oo loola cararay cusbitaallada Muqdisho.
Ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha labada dhinac, iyadoo ay inta badan mid waliba dhiniciisa sheegto inuu dagaalka ka gaadhay guul, balse warar ku dhow dhinacyada dagaallamaya ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay labada dhinac dagaalka maanta.
Dagaalladan maalintii saddexaad ka socda Degmada Hodan ayaa waxay hakad-galiyeen dhaq-dhaqaaqa suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaasoo ay dagaalladu ku sii siqayaan. Dhinaca kalena dad shicib ah oo teel teel kusii ahaa xaafadda Kaaso-Bal-Balaaro ayaa bilaabay inay iyaguna maanta ka barakacaan halkaa si ay lafohooda ula caraan.
Ciidamada AMISOM oo ay weheliyaan kuwa dawlada taagta daran ayaa shalay laga qabsaday goobo ay ka mid yihiin Wersheddii Caanaha iyo Cusbitaalka Xoogga, halka ay warar kalena sheegayeen inay ciidamadda AMISOM goobahaa qabsadeen.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380