Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Britian oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Britian u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somalia. Sidaana waxa lagu faafiyey
war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu Madaxweynuhu weftiga warbixin ka siiyey xaaladda nabadgelyo ee Somaliland, isagoo ballanqaaday inay dalalka jaarka iska kaashan doonaan la-dagaalanka argagixisada iyo budhcad-badeedda.
War-saxaafadeedkaa waxa uu u qornaa sida; –
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga gaarka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, Matt Baugh, Safiir ku xigeenka Safaaradda Britain ee Ethiopia , John Marshal iyo Madaxa hay’adda DFID oo hawlaha Mucaawimadda u qaabilsan Britain , xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alistair Ferntree.
Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka.
Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad gelyada Gobolka, sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda.
Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.”
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380