Hargeysa(ANN) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa dareen damqasho leh ka bixiyey afduub todobaadkii hore loogu geystay magaalada Laasqoray shan qof oo muwaadiniin Somaliland ah,
islamarkaana u shaqaynayay shirkadda Isgaadhsiinta ee NATION-LINK.
Wasiir Caddami, oo maanta xafiiskiisa waraysi gaara ku siiyey Telefiishanka HORN CABLE TV, wuxuu sheegay falka afduubka ah ee Laasqoray ka dhacay inuu yahay mid shakhsi ahaan iyo masuul ahaanba si gaara u damqaya, isagoo arrintaa ku sifeeyey talaabo fool xummo ah oo ay fuliyeen dad nabadgelyada ka soo horjeeda.
Wasiirka oo ka hadlay guud ahaan xaalada ammaan ee dalka wuxuu madaxdhaqameedka iyo shacabka ku nool Laasqoray ugu baaqay inay si wada jir ah uga hawlgalaan sii deynta muwaadiniinta afduubka lagu haysto, isagoo hoosta ka xariiqay Laasqoray inay ahaan jirtay magaalo lagu tilmaamo ilbaxnimmo iyo xadaarad fog.
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in nabadu tahay halbowlaha nolosha iyo horumarka, waxaanuu sheegay dhacdadii bishoo hore ay ciidamo hubaysani si qarsoodi ah ugaga soo dageen xeebaha Galbeedka ee Jamhuuriyada Somaliland si ay ugaga duulaan dalka Itoobiya ay ahayd talaabo lagu waxyeelaynayo sumcada Somaliland isla markaana karaamada lagaga ridayo Somaliland, waxaana uu tilmaamay in guud ahaan ay adkayn doonaan amaanka dalka si aanay mard anbe u dhicin cid si dhayal ah iskaga soo gasha dhulka Somaliland
.
Ugu danbayntii wasiirku waxa uu guud ahaan umada Somaliland kula dardaarmay inay wadajir uga shaqeeyaan ilaalinta iyo jiritaanka nabada oo si weyn hadh iyo habeen loo foojignaado ciidamada amnigu gacan lagu siiyo hawlaha amaanka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380