Wadamadaasi gudbiyaan. Kadibna go’aan uga qaadanaya. Qaar badan oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta aduunka, kuwa wadamada mashruucani ku jihaysan yahay iyo ganacsato u dhalatay dalalkaa, isla markaana waxa jira ismaandhaaf ka dhashay qorshayaal ay wateeen qaar ka mid ah shiradaha iyo ganacsatada wadamadaa qaarkood iyo masuuliyiinta ka taliyaa, kuwaas oo hindisayaasha ay ku doonayeen inay kaga qayb galaan maalgashiga iyo qorshaha mashruucan ee Baanka Aduunku u shexeeyay maalgelintiisa is khilaafeen,
Mtunzini oo ku taala xeebta Bariga Koonfur Afrika ilaa Badda Cas ee Port Sudan oo ku taal Bariga Afrika oo lagu qiyaasay masaafo gaadhay 8.840km ayaa loo qorsheeyay in geeyo Keybalka laga soo jiiday Koonfur Afrika, kaas la doonayo in lagu xidho keybalka Badda ee Yurubta iyo Aasiya (European/ Asian Optic Fibre), iyadoo loo qorsheeyay siddeed wadiiqo, ama goobood oo looga gudbiyo dhinaca Beriga oo loo calaamadiyay siddeed wadan, kuwaas oo kala ah, Mtunzini (South Africa), Maputo (Mozambique), Toliary (Madagascar), Dar-es-Salaam(Tanzania), Mombassa (Kenya), Mogadisho (Somalia), Djibouti (Republic of Djibouti), Port Sudan (Sudan) . Laakiin qorashihii loo calaamadiyay in Muqdisho looga jiido si gebi ahaanba dhulka Soomaalida loo gaadhsiiyo ayaan ilaa hada suurta gelin. Ka dib markii ay hadheeyeen murano la xidhiidha tartan shirkado ganacsi iyo loolan, isla markaana ay soo waajaheen duruufaha ka jira Somalia ee dhinaca amaanka Berriga iyo Badduba,kuwaas oo ka hor imanaya shuruudaha qorshayaashaa maalgelinta Baanka Aduunka ee mashruucaa, iyadoo ay u dheertahay jiritaan la’aanta siyaasad isgaadhsiineed oo isku xidhan iyo qorshe midaysan oo aan ka jirin gebi ahaanba maamulada ka jira Deegaamada Soomaalida iyo shirkadaha ka hawlgala oo aan buuxin waayay shuruudaha bilawga maalgashiga mashruucaa loo baahnaa.
Sidoo kale mudadii uu soo jiitamayay mashruucan (EASSy), soo baxayay abaabulo kale oo ay ganacsato iyo qaar ka mid ah hogaaminayaasha geeska Bariga Afrika ku doonayeen inay kaga qayb qaataan qandaraasyada mashruucaa, kuwaas oo samaytay magacyo shirkado iyo Company aan hore u jirin, balse waxa suurta gal noqonweyday inay buuxiya an shuruudaha ku xidhan mashruucaa. La soco…………….
By, Carraale M. Jama
Hargeysa Office Araweelonews
E-mail; Info@araweelonews.com