Hargeysa (ANN)-Gudoomiyihii Hore ee Golaha Wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe Oo ah Dublamaasi Caan ah ayaa ugu baaqay shacibiga Somaliland inay si nabadgelyo ah u qaataan kaadhadhka, isla markaana ay doorashada codkooda u dhiibtaan si nabadgelyo ah oo ay iska ilaaliyaan waxkasta oo carqaladaynaya hawsha kaadhadhka cusub iyo diyaar garawga codbixintaba. Mr. Qaybe waxa uu sidaa u sheegay weriye Carraale M. Jama oo saaka ku booqday gurigiisa magaalada Hargeysa.
Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe waxa uu sheegay inuu dhowaan kasoo laabtay dhinaca dalka Emaraatka carabta oo uu hawlo caafimaad u tegey, isla markaana waqtigan xaaladiisa caafimaad aad u wanaagsantahay . Mr. Qaybe wuxuu xusay in aanu maanta diyaar u ahayn inuu ka hadlo siyaasad, balse uu doonayo inuu shacbiga u gudbiyo fariin ku wajahan qaadashada kaadhadhka cusub ee la bedelay oo hawshoodu hada ka socoto dalka iyo doorashada loo mudeeyay dhowaan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi “Somaliland maanta waa meesha keliya ee nabadgelyo ka ah dhulkii laysku odhan jiray Soomaalia. Markaa waxan dadweynaha Somaliland ugu baaqayaa inay kaadhadhka si nabadgelyo ah u qaataan, isla markaana ay doorashada codkooda u dhiibtaan si nabad ah.”
Axmed Maxamed Aadan Qaybe wuxuu ahaa Gudoomiyihii wakiilada golihii hore ee Somaliland, isla markaana wuxuu ahaa Dublamaasi caan ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay dawladii kala duwanaa ee Soomaalia, wuxuuna hada xubin sharafeed ka yahay golaha guurtida Somaliland.
By, Carraale M. Jama
Hargeysa Office Araweelonews
E-mail; Info@araweelonews.com