Hargeysa(ANN) Kulan ballaadhan loogaga hadlay meelmarinta qorshaha siyaasadda heer qaran ee dhallinyaradda Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa.
Kulankaas oo ay soo qabanqaabisay dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo ay ku bohoobeen qaybo badan oo ka mid ah Ururada dhalinayarada Somaliland, waxa kasoo qayb galay Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyaradda iyo dhaqanka ee Somaliland Maxamed Ibraahim Madar, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, Kayse Xasan Cige, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qoyska iyo shaqada Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha dallada SONYO Yaxye Maxamed Ubaxle, xildhibaano Baarlamanka Somaliland ka tirsan, Aqoonayano iyo dhalinyaro ka socotay jaamacaddaha dalka.
Agaasimaha dallada dhallinyarada SONYO Siciid Maxamed Axmed oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada laga leeyahay kulanka ayaa sheegay inay ujeedada kulanku tahay sidii looga wadahadli lahaa, isla markaana laysula meel dhigi lahaa siyaasadda qaranka ee dhalliyarada Somaliland, isagoo xusay in ansixinteedu laf-dhabar u tahay siyaasadda Somaliland. Wuxuuna ugu baaqay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo inay meelmariso siyaasadda heer qaran ee dhalinyaradda Somaliland.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Maxamed Ibraahim Madar oo hadal kooban ka jeediyay halkaa, ayaa dallada SONYO ku ammaanay sida ay isaga xilsaaraan horumarinta iyo taabo-galka dhallinyaradda Somaliland.
“Qorshaha siyaasasada heer qaran ee dhalinyaradda Somaliland, waa iyada oo laga duulayo hirgelinta siyaasadda dhalinyadda Somaliland, oo ay laf-dhabar u yihiin SONYO, UNICEF iyo dhalinyaradda Somaliland. Annaguna Wasaarad ahaan waxaannu dammaanad qaadaynaa wax kasta oo sahlaya hirgelinta siyaasaddaa iyo horgaynta Golayaasha kala duwan ee Qaranka,” ayuu yidhi Wasiirku.
Agaasimaha waaxda dhalinyaradda ee Wasaaradda ciyaaraha Sayid Cumar, ayaa isaguna ka hadlay halkaa wuxuuna sharaxaad dheer ka bixiyey geedi socodkii iyo maraxaladii ay soo martay dejintii siyaasadda qaranka ee dhalinyaradda Somaliland, isagoo tibaaxay in shirkii ugu horreeyey ee arrintaa lagu gorfaynayay la qabtay 2006-dii, isla markaana sannadkii 2007, la qabtay shir kale oo arrintaa lagu falanqaynayay.
Waxa iyaguna kulankaas hadalo ka soo jeediyey masuuliyiinta ay ka midka yihiin Gudoomiye-ku-xigeenka kobaad ee UCID, Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xogahaya Guud ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, Kayse Xasan, Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qoyska iyo shaqada Baashe Yuusuf Axmed, la latiyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, Prof. Aadan Xaaji Cali iyo Maxamed Cumar Carte, waxaanay dhamaantood tilmaameen muhiimadda dhallinyaradu dalka u leedahay iyo sida loogu baahan yahay in la meelmariyo siyaasadda heer Qaran ee dhalinyarada oo ay sheegeen inay muhiim u tahay horumarkooda dhalinyaradda Somaliland.
Gabagabadii kulankaas, waxa lagu magacaabay guddi loo xilsaaray dardargelinta siyaasadda heer Qaran ee dhallinyaradda Somaliland.
Magacyada xubnaha la magacaabay waxa ay kala yihiin sidan:-
1- Sayid Cumar
2- Pro. Aadan Xaaji Cali
3- Maxamed Cumar Carte
4- Maxamed Axmed Maxamed (Barawaani).
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380