Hargeysa(ANN) Dadwayne gadoodsan oo qaarkood ku hubaysnaayeen qoryaha yar-yar ee Ak47, budhadh iyo dhegxaan ayaa maanta galinkii hore weerar ku soo qaaday xarun Boolis oo ku taala Magaalada Boorama, kuwaas oo xoog kula baxay
mid ka mid ah saddex dareewal oo loo haystay inay wadeen gaadadkii todobaadkii hore xeebta Buul-cadde ee Gobol Awdal kasoo daad gureeyay maleeshiyadii ONLF ee u talaabay dhinaca dalka Ethopia.
Dadwaynahan oo qaarkood wateen gawaadhida loo yaqaano bas caasiyadda ayaa waxa u suurto-gashay inay booliska kala wareegaan mid ka mid ah dirawalada oo boolisku doonayeen sida la sheegay inay wakhtigaa u soo qaadaan dhanka Caasimada dalka ee Somaliland si loo bilaabo baadhista dambiga loo haysto.
Wararka aanu ka helayno Magaalada Borama ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in dadwaynahan gadooday ay maqleen warar sheegaya in dawlada Somaliland saddexda nin u dhiibayso Itoobiya, balse taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland ayaa beeniyay jiritaanka warka odhanaya Dirawaliinta ciidamada Itoobiya ayaa loo dhiibayaa, isagoo xusay inay sheekadaasi ahayd tii dadka lagu soo abaabulay ee aanay waxba ka jirin, iyadoo koox yar oo doonayay inay la baxaan dareewaliintaa dadka u sheegeen arrintaa si ay u raacaan.
Dhinaca kale, ciidamada Booliska Boorama oo markii shaqaaqadu bilaabantay ee uu socday hawlgalka dadka rayidka ahi kula baxayeen halka dirawal rasaas ku riday dadka ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay laba qof oo kala ah wiil iyo gabadh, iyaguna qayb ka ahaa shaqaaqada iyo gadoodka.
Xukuumada Somaliland ayaan ilaa hadda wax war ah oo rasmi ah ka soo saarin shaqaaqadaas iyo halka ay dadkaasi la tageen mid ka mid ah dareewalada lala baxsaday.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380