Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku xigeenka Britain ee Adis -Ababa Mr. Chris Allen oo
booqasho kedis ah ku yimi Hargeysa maanta.
Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Britain oo ay ku weheliyeen Madaxweynaha Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, ayaa ahaa kulan xaasaasi ah oo lagaga wadahadlay xaalada mandaqada ee xiligan iyo dhaq-dhaqaaqa Ciidamada Somaliland ee deegaanka Taleex.
Kulankaa oo saxaafada aanay goob joog ka ahayn, ayaa qaatay saacado, waxaana markii uu dhamaaday wadajir saxaafada ula hadlay Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiir ku xigeenka Britain oo ka waramay waxyaabaha lagaga hadlay kulankaa iyo ujeedada booqashadiisa Hargeysa oo uu sheegay Mr. Chris Allen inuu fariin uga siday Madaxweynaha Somaliland Raysal Wasaaraha Britain.
Halkan Ka Dhegeyso Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi iyo Ku xigeenka Safiirka oo Ka hadlaya waxyaabihii ay kaga wada hadleen kulankaa Riix Hallkan.