Hargeysa(Arraweelo News)Madaxweynaha Somaliland ayaa xilkii ka qaaday mid ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda. Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed kazoo baxay manta qasiraga madaxtooyadda oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka
madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.
Warsaxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2544/062014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradaasi u soo magacaabi doonaa wasiir Cusub insha allaa.
Ujeedo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Aaden Axmed Warsame,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda
Mudane,
Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.’ Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda.