Hargeysa(Araweelo News Network)Ilaalada Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ee Somalia Cabdiweli Maxamuud Gaas ayaa tacshiirado rasaas ah is weydaarsaday, waxaana ku nafwaayay laba ka mdi ah
Askarta Ilaalida. Kadib markii uu muran dhexmaray xili uu booqasho ku marayay deegaamo ka mid ah Mudug.
Lama ogga sababta dhalisay muranka sababay in ay askarta Cabdiweli gaas is rasaaseeyaan, balse waxa jira warar sheegaya in ay arrintaasi la xidhiidho khilaaf siyaasadeed oo ka taagan Puntland, kaas oo salka ku haya arrimo siyaasadeed.