Kuala Lumpur (Araweelo News Network)Dowladda Malaysia ayaa xaqiijisay in xogta satellite-yada ay muujinayaan in diyaaradeedii rakaabka sidday ee la la’aa todobaadyada ku burburtay
koonfuurta Badweynta India.
Raiisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa sheegey in xogta la heley ee daraasadda lagu sameeyey oo ay soo uruurisey shirkad laga leeyahay Britain, taas oo xaqiijisay in diyaaradii shirkadda Diyaaradaha Malaysian Airlines ee duulimaadka nambarkiisu yahay 370 ay ku dhacday goob aad u fog oo ku dhow galbeedka magaalada Perth, wuxuuna saxaafadda u sheegey in isagoo ka xun uu shaacinayo in diyaaraddii Boeing 777 ee duulimaadkii 370 ay ku soo afjarantay koonfuurta badweynta India.
Waxaa uu sheegey in dhamaan eheladii 239 rakaab ah oo saarnaa diyaaradda lagu wargeliyey natiijada baadhitaanka Diyaaradda oo ka duushay markii u danbaysay Kuala Lumpur, isla markaana ku sii jeedday magaalada Beijing.
Ka hor intii aan lagu qancin in ay ku dhacday diyaaraddu halkaa, waxa si weyn u baadigoobayay dalal badan oo dunida ah, kuwaas oo doonayay in raq iyo ruux la helo halka ay ku danbaysay diyaaradaasi.