Garoowe(Araweelo News Network)Horjoogaha maamulka gobolada Waqooyi Bari Somalia ee Punland, Cabdiweli Maxamuud Gaas ayaa gaadhay booqday magaalada Boosaaso kadib markii uu safar ku tegey
shalay magaalada Qardho ee gobolka Bari, halkaas oo uu uga gudbay magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ujeedada safarkiisa lagu sifeeyay mid ka dhashay cadho ka kacday ka dib markii todobaadkii hore uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) booqasho kormeer ah ku maray bariga iyo galbeedka dalka Somaliland, taas oo uu magaalada xeebta ah ee Laasqoray oo kulaalay magaalada Boosaaso ku tegey, isla markaana dhagaxdhigay mashaariic waaweyn oo xukuumadda Somaliland ka fulinay deegaanka.
Socdaalka Madaxweynaha Somaliland oo qaatay sagaal maalmood ayaa si weyn usoo jiitay rayal caamka bulshada Somliland, balse waxa uu ka cadhaysiiyay maamulka Puntland oo ku tilmaamay mid daandaansi ah oo lama filaan ku noqday markii ay ku war heleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan Laasqoray.
Socdaalka Cabdiweli Gaas eek u tegey Boosaaso ayaa lala xidhiidhiyay mid ka dhashay booqashada deegaanka ee Madaxweynaha Somaliland oo cabsi gelisay Maamul goboleedka Puntland, balse Cabdiweli ayaa awoodi waayay inuu safar dhinaca dhulka ah isaga gudbo Boosaaso iyo Garoowe. Kadib markii Todobaadkan duleedka Boosaaso wadada Laamiga ah ee isku xidha Garoowe iyo Boosaaso lagu dilay Taliyinii Ciidanka daraawiishata Puntland Col. Jamaac Siciid Warsame Af-guduud, kaas oo ku dhintay weerar lala beegsaday Kolanyo gaadiid uu la socday. Kadib markii Isniintii Todobaadkan koox hubaysan la beegsadeen duleedka magaalada Boosaaso, taas oo sababtay inuu Cabdiweli Gaas aamini waayo jidka laamiga ah ee isku xidha Boosaaso iyo Garoowe kadibna diyaarad u raacay deegaanka uu booqanayay.