Nairobi(ANN) Xukuumada dalka Kenya ayaa ka hadhay markii u horaysay dhibaatada Virus dadka loo raaciyay telefoonada gacanta ee Mobile-ka, taas oo si weyn u jaah wareerisay todobaadyadii u danbeeyay dadweynaha Kenya iyo weliba dalalka ay jaarka yihiin qaarkood, iyadoo ay tirooyin dad ahi u dhinteen dhibaato kasoo gaadhay Viruska loo raaciyay telefoonada gacanta, halka kuwo kale cusbataalada loola cararay.
Wasiirka isgaaadhsiinta dalka Kenya Samuel Poghisio oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in ilaa hada dhibaatadaa ay la jiifaan cusbataalada dad kor u dhaafay 19 qof oo dhamaantood lagu weeraray viruska telefoonada gacanta la raaciyo.
Sidoo kale warbaahinta wadanka Kenya ayaa dadweynaha u baahiyay digniino fariimo ay uga digayaan shacbiga khatar ka dhalatay mobilada gacanta oo tirooyin dad ahi ku nafwaayeen maalmihii lasoo dhaafay. Kadib markii Virus loo raaciyay lanbaro laga soo wacay oo ay qabteen, taas oo keentay inay dadkii telefoonada loo raaciyay Viruska qaarkood dhintaan, halka tirooyin kalena la dhigay Cusbitaalada dalkaa.
Dhacdada la yaabka leh ayaa keentay inay dadku ka shakiyaan qabashada telefoonada soo garaaca, balse wargeysyada iyo warbaahinta kale ee maqalka iyo muuqaalka dalka Kenya oo dadweynaha uga digaya mushkilada telefoonada ayaa fariimo digniin ah u gudbiyay dadka , kuwaas oo ka digaya halista uu leehayay viruskani, isla markaana ku war geliyay dadka inay qabtaan, ama ay ka jawaabaan telefonada ay lambaradoodu yihiin, ama ka bilaabmaan sidan;-
9888854137, 9876715587, 9876266211, 7888308001,9316048121,.
Virus-kan oo maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid sida weyn cabsidiisu u saamaysay dadka ku dhaqan Magaalooyinka Nairobi iyo Kampala, isla markaana abuuray xaalad laga shakiyay in laqabto telefoonada gacanta, iyadoo Soomaalida ku dhaqan wadamadaa cabsi weyni soo wajahday. Ka dib markii ay soo baxday sheekada Virus-ku. sidoo kale waxa laga cabsi qabaa in mushkiladan loo soo gudbiyo dhinaca Somalia oo ay dalkaa xuduud wadaagaan, isla markaa xidhiidh gacansi iyo isu socod ka dhxeeyo. mushkilada viruska ayaanay dhakhaatiirtu weli cadayn in qofka ay haleeshaa dadka kale u gudbin karo iyo in kale. sidoo kale xanuunka ku dhacaya ayaanay weli dhakhaatiirtu sheegin nooca uu yahay, balse waxa dadka lagu arkay calaamado uu qofku dhiig ka keenayo sanka sida gororka oo kale haddiiba uu qabto telefanka oo ka jawaabo.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380