Muqdisho(Araweelo News Network)Xukuumadda Somalia ayaa ka hadashay weeraro iyo qaraxyo maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda ee Villa Somalia, taas oo sababtay in koox ka tirsan Al-shabaab oo
weerarkaa qaaday qadar ku qabsadeen dhismayaal ka tirsan madaxtooyadda.
Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Xasan Sheekh oo ka hadlay weerarka ayaa ku tilmaamay mid naf lacaarinimo ah oo ay Argagixisadu isku dayeen in ay ku soo qaadaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya, balse waxa uu sheegay in ay ciidammada Qaranku fashiliyeen maanta.
“Maleeshiyaad naf lacaarfi ah oo nabad diidka ka tirsan ayaa Qarax fashilmay ka geystay dhabarka dambe ee ilinka madaxtooyada, hasa yeeshee ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa khaarajiyey dhammaan maleeshiyaadkii falkaasi ku kacay, xaaladda hadda aad ayeey u degan tahay, shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa in ay isdajiyaan, isla markaana ay gacan ka siiyaan ciidammada amniga Qaranka Soomaaliya” ayuu yidhi wasiirka Amniga Soomaaliya oo codkiisa laga baahiyay Radio Muqdisho.
Wasiirku waxa uu sheegay in ciidammada Militari-ga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka ah madaxtooyada Villa Soomaaliya ay si adag uga hortageen malleeshiyaad kooban oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo uu sheegay in ay damacsanaayeen argagixinta madaxtooyada, balse waxa uu sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday ay noqdeen wax la qabtay iyo la laayay, wuxuuna xusay in ay kasoo galeen Madaxtooyadda dhabarka danbe, iyagoo adeegsanaya qarax iyo weerar wada socda.
balse warar madaxbanaan ayaa sheegaya in kooxda weerarka soo qaaday oo qadar haysatay dhimayaal Madaxtooyadda ka tirsan is qarxiyeen weerarka ka dib.
Wasiirka Aminaga Somalia ma sheegin waxyeelada weerarada, balse Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ka badbaaday weerarada oo uu badqabo, weerarkuna uu fashilmay. Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col Ali Hamud oo VOA la hadlay ayaa cambaareeyey weerarkaa.
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii u danbeeyay isu bedelaysay goob dagaal iyadoo ay weeraro joogto ah ka fuliyaan gfudaha magaalada Al-shabaab, taas oo sababtay in degmooyinka qaar laga qaxo, iyagoo shacbigu ka cabsi qaba in weeraradu sii socdaan oo ay xaaladu isu bedesho dagaal.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.ccom