Hargeysa(Araweelo News Network) Qalabka loo soo iibiyay dhismaha wadada Ceergaabo ee xukuumadda Somaliland dhisayso ayaa maanta Dalka soo gaadhay, kaas oo ka soo degay Dekedda Djibouti, isla markaana
lasoo maray Dhulka.
Qalabkaa oo ka kooban Cagafyo, Baldawsaro, Baabuur Isjiid ah oo Xamuul ah iyo qalabkale oo kala duwan waxa lagu soo bandhigay markii ay dalka soo gaadheen Fagare weyn, iyadoo goobta lagu soo bandhigay ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali, Gudida Wadada, Xildhibaano iyo dadweyne kale oo qaarkood ka socdeen Madaxdhaqameedka iyo Ururada Bulshada.
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Xasan ayaa ka hadlay fagaaraha lagu soo bandhigay qalabkaa iyo masuuliyiin kale.
Halkan ka dhegeyso hadaladii laga jeediyay halkaa. Riix si aad u dhegeysato
jaamac132@gmail.com