Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa fadhigii Golahaasi oo loogu balansanaa Maalinta Berri ah dib u dhigay, ka dib markii ay golaha Guurtidu
codsi kaga dalbadeen in fursad loo siiyo dhexdhexaadinta ay doonayaan in xal loogu helo khilaafka golaha wakiiladda.
Codsiga Golaha Guurtida oo uu ku saxeexnaa Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida,ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo maanta loo gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa lagu sheegay in ujeedadiisu tahay si fursad loogu helo xal u helida khilaafka golaha.
Qoraalkaku simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida, isla markaana ah Gudoomiye xigeenka Koowaad, waxa si deg deg ah uga jawaabay Gudoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) , wuxuuna qoraal jawaab u ah codsigaasi ku war geliyay Golaha Wakiilada in la fasaxay laga bilaabo maalinta beri 18 February uu aqalkaasi fasax ahaan doono ilaa 25-02.2014 ee bishan aynu ku jirno. Sidaana ay ula socdaan mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland.
Golaha wakiiladda oo khilaafkiisu cirka isu shareeray, isla markaana weli aan wax xal ah loo hayn, ayaa la filayay in maalinta Beri ay yeeshaan fadhigii 17aad, iyadoo ay jireen warar sheegaya in mudanayaasha kasoo horjeeda Gudoomiyaha ee doonaya in la aqbalo mooshinka ay wataan ee golaha yaala lagu kala calafqaado.
Lama ogga sida ay golaha guurtidu wax uga bedelikaraan mawqifyada iska soo horjeeda ee laba kooxood ee goluhu u qaybsanyahay, kuwaas oo gudiyadii ay u saareen ku kala kaceen fadhigii u danbeeyay.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com