dagaalanta dalka Yaman, kuwaas oo ku guulaystay in ay fuliyaan howlgal ay kusoo furteen maxaabiisa ku jiray xabsiga oo ka tirsan Al-qaidada Yaman.
Dagaalka ayaa socday saacado, waxaana u suurtagashay kooxda weerarka soo qaaday in ay gacanta ku dhigaan inta badan xabsiga, taas oo suurta gelisay in ay kala baxaan xabsiga 21 maxbuus oo qaarkood ahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Qa’ida oo ay dawlada Yaman hore u xidhay.
Taliyaha ciidanka Booliska ee magaalada Sanca oo ah caasimada dalka Yaman ayaa qiray in dagaal saacado socday ka dib ay kooxda weerarka soo qaaday kaxaysteen maxaabiis uu tiradooda ku sheegay 21, kuwaas oo aan la ogayn halka ay u kaxaysteen.
warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda ay xakameeyeen xaaladda xabsiga dhexe balse wuxuu qiray in xoogaga weerarka qaaday ay kaxaysteen 21 Maxbuus.
Maaha markii ugu horaysay ee koox hubaysan oo ka tirsan Al-Qa’ida Yaman weerar sidan oo kale ku qaadaan xabsiyada dalka Yaman oo ay kala baxaan Maxaabiis ka tirsan Ururkooda oo ku xidhan. Sidoo kale weeraro qaraxyo iyo dilal qorshaysan ayaa inta badan ka dhaca dalka Yaman, kuwaas oo lala xidhiidhiyo in ay fuliyaan kooxo ka tirsan Al-Qa’idada Jasriida carabta ee ka dagaalanta halkaa.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com