Laascaanood(Araweelo News Network)Ciidamada Amaanka ayaa gacanta ku dhigay xalay saqdii dhexe Nin lagu magcaabo Cabdullaahi Maxamed Cismaan oo
lala xidhiidhiyay inuu ka mid yahay saraakiisha Ururka Al-shabaab, kaas oo laga qabtay gudaha Magaalada Laascaanood.
Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dad kala duwan oo ku sugan gudaha magaalada Laascaanood. Qaar ka mid ah saraakiisha amaanka oo shebekada Araweelonews isku dayday in ay wax ka weydiiso Ninka ay ciidamadu ka qabteen magaalada Laascood ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan.
Cabdullaahi Maxamed Cismaan, waa xubintii labaad ee Todobaadkan gudihiisa ay ku qabtaan Ciidamada Amaanka Somaliland deegaanka gobolka Sool ee lala xidhiidhiyay A;-shabaab.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com