maxamed Muse Diriye1Burco(Araweelo News Network)Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa beeniyay eedo uu u jeediyay musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ku eedeeyay in

 

maamulka gobolka Togdheer uu isku dayeen inay ka celiyaan magaaladda inuu soo galo magaalada Burco, hase yeeshee ay xoog ku soo jiidheen.

Badhasaabka Togdheer waxa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen ay iska shabahaan dhaqamo badan oo ay ka mid tahay laylinimadda siyaasadda iyo qorshe xumadda, waxaanu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay kaga jawaabayay eedaha xisbiga UCID u jeediyeen.

Badhasaabka Togdheer waxa uu sheegay inaanay u diidin inay soo galaan magaaladda, waxaanu yidhi “Anigu badhasaab ayaan ahay shaqo xisbi meesha uma joogee inaan shacbiga reer Togdheer nabadgelyadooda ka shaqeeyo oo aan iyaga u addeego ayaan xafiiska u joogaa. Waxaan meesha u joogaa sidii dadka reer Burco ay ubadkoodu wax u baran lahaayeen oo nabadgelyadooda u ilaashan lahaayeen. Waxay reer Burco igula socdaan in ninkii intaa wax ka duwan noola yimaada aan iska celiyo waxna igama dhul yaalaan ee taas ha lagu biyo cabo,”ayuu yidhi Badhasaabka Togdheer oo ka cadhooday wax uu ku tilaamay ribada iyo beenta ka soo yeedhay ninkaas murrashax ah ee umadda codka ka doonaya.

Maxamed Muuse Diiriye waxa uu sheegay in Murrashax iyo xubnihii la socday ay kaga horyimaadeen degmadda Sheekh ugana warrameen xaaladda magaalada Burco oo aan qaadi Karin wax siyaasad ah oo lagu jah-wareeriyo, waxaanu yidhi “Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo koox hogaaminaya ayaan ka war-helnay xalay waxaanu kaga hor-tagnay anagoo magaaladda waxayaalaha ka jira ka shidaal qaadanayna Sheekh. Aniga oo odayaashiisii wada waxaanu ka gaadhsiinay waar magaaladu sidaad moodayso maaha waanad ku soo duushay Burco waa laga shaqeynayaa oo dadkii ayaa la heshiisiinayaa oo lagu dhex jiraa. Waxa uu yidhi ma innagaa ayaa magaalada la ii diidayaa ahlan wasahlan ayaan ku idhi markii aan qiimeeyay tirada la socota oo tobaneeyo gaadhi ahayd waxaan ku idhi wataa magaladii gala wixiise’ ka dhaca adigaa ka masuul ah.”

“Xafiiskooda Burco ayay tageen wuxuu yidhi magaalada waa naloo diiday hase yeeshee waanu soo jiidhnay, waxaan leeyahay waxba geedka ha ku xoqanina idin kama baabi’inayso oo sumcadi idiinku kordhi mayso, reer UCID kolba meel aad istidhaahdaan fulkaane ka kiciya ama miino dhiga ka waantooba oo sida loo ololaysto barta.” Badhasaabka Togdheer oo sharaxayay sifooyinka ay wadaan Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha UCID, wuxuu yidhi “Faysal Cali Waraabe isagoo xisbiga la liic-liicaya ayaa Jamaal Cali Xuseen ku soo kordhay labaduba waa ilma Cali Xuseen, oo dhowr shay ayay walaalo ku yihiin, arragtida siyaasadda iyo odoraskeeda waa ka walaalo. Af-soomaaliga iyo eray bixintanna walaalo ayay ka yihiin, carabka iyo camalkana walaalo ayay ka yihiin.”

Badhasaabku waxa uu xisiga UCID ku tilmaamay mid aan lahayn siyaasad ummadda u cuntanta oo caqli gal ah, waxaanu xusay in Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe ay xaga miisaanka iyo dhaqankaba isku mid ka yihiin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *