qaadhaan-bixiyayaasha Somalialand ka taageera geedi-socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Komishanka Doorashooyinka qaranka.
Kulankaa oo albaabadu u xidhnaayeen oo qaatay dhawr saacadood ayaa saxaafadu debeda ka joogtay, balse markii kulankaa laga soo baxay waxa warbaahinta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo sheegay in kulanka ujeedadiisu tahay sidii Somaliland looga qabanlahaa doorashooyin ku qabsooma waqtigooda oo lagu galo diiwaangelin. Sidaa awgeed waxay sheegeen in kulanka oo soconaya ay suurta gal tahay in maalinta beri lasoo gebagebeeyo oo war muritiyeed kasoo saari doonaan marka lasoo geba-gebeeyo kulankaa.
Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi wuxuu isagoo kulankaa ka hadlaya yidhi, “Wax kulankan laga wadahadlayey sidii ay doorasho inoogu qabsoonta wakhtigeeda u dhici lahayd, kulanka waxa ka soo qaybgalay saddexda xisbi qaran, iyo deeqbixiyaasha, iyo Komishanka Doorashooyinka, shirkuna maanta ayuu si rasmi ah u bilaamay illaa caawana wuu soconayaa, marka shirku markuu soo gabogaboobo ayaan ka hadli doona natiijada.”Ayuu yidhi.
Sidoo kale Gudoomiyaha UCID, Faysal cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay kulankaa ka dib, ayaa yidhi, “Runtii wadahadaladii laga wadahadlayey Diwaangalinta Doorashada iyo sidii ay doorasho inagu qabsoomi lahayd way socdaan, deeq bixiyayaashina way nala joogan,waxanu filaynaa in wax wanaagsan ka soo baxo Berito oo doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.”Ayuu yidhi Gudoomiyaha UCID.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com