Wasiiradda Ganacsiga iyo Kalluumaysiga maamul goboleedka Punrland iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaankooda ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dagaal Siyaasadeed oo ay Somaliland kaga xorraynayaan Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxayna sidaa ka sheegeen xaflad ay ku qaabileen Xildhibaano ka tirsanaa Golaha Deegaanka Laascaanood oo u talaabay Maamul goboleedka Puntland oo lagu qabtay duleedka Garoowe .
Maxamuud Xasan Soo-cade oo ah wasiirka Ganacsiga, Cabdi-Nuur Cilmi Qaanje (Biindhe) oo ah wasiirka Kalluumaysiga iyo Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay dhamaan Xildhibaanada Golayaasha deegaanka ee deegaamada ay ku muransan yihiin ku biirayaan Maamulka Garoowe, taas oo ay sheegeen in ay tahay wadada lagu Somaliland lagaga xoraynayo deegaamadaa.
Laba Xildhibaan ee ku biiray maamulka Puntland ayaa kala ah Mukhtaar Mahad Cawad iyo C/llaahi Digaale Cali kaga goosteen Somaliland in ay tahay qorshihii siyaasadeed Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay Maamul Goboleedka Garoowe Cabdiwali Gaas, kaas oo hore u balanqaaday in uu gacanta Puntland ku soo celin doono goboladda deegaamada Sool iyo Sanaag.
Labada Xildhibaan oo la hadlay saxaafadda markii ay gaadheen dhinaca Maamulka Puntland ayaa Somaliland ku eedeeyey in ay ka waayeen qaabkii ay ula shaqayn lahaayeen, waxaanay xuseen in ay go’aansadeen in ay ku biiraan maamulka Puntland.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com