Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa Maanta ka Qaybgallay
Sanad Guuradii 20 ee Aasaaska Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibaddaa oo ahayd mid si weyn loo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta taliska ciidanka Militariga ee loo qayaano Qaybta, waxaana ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, isla markaana ah Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Gudoomiye xigeenka Kulmiye, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Taliyayaasha Ciidamada Milateriga iyo Booliska, Saraakiisha iyo madaxda kale ee Ciidamada qaranka, xildhibaano ka socda golayaasha Baarlamaanka.
Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka dhabaysay balanqaadkii ay hore u fulinwaayeen xukuumadihii ka horeeyay ee ahaa in derejooyinka la siiyo ciidanka qaranka, taas oo uu sheegay in ay tahay guul weyn oo usoo hoyatay qaranka Somaliland.
Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici waxa uu sheegay in ciidanka qaranka Somaliland yihiin kuwo loogu tallo galay difaaca dalkooda hooyo, balse aan loogu tallo galin in ay dalalka jaarka ah ku gaafan, waxa kale oo u baaq u diray Maamul goboleedka Puntland ee Somaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay iska dhaafaan dhulka Somaliland ee ay sheeganayaan.
Taliyaha Ciidanka Qaran Somaliland Sareeye Gaas Ismaciil shaqale oo hadal dheer ka jeediyay munaasibadaa ayaa sheegay ujeedada loo qabtay tahay sidii loo maamuusi lahaa aasaaska ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo dhidibada loo taagay 1994-kii.
Sareeyo Guuto Ismaaciil Shaqale waxa uu ka waramay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray cidiimada qaranka Somaliland, isaga oo tilmaamay in haatan ay marayaan meel aad u fiican oo shacabka Somaliland ku kalsoonyihiin in ciidankoodu yihiin kuwa u taagan ilaalinta qaranka iyo difaaca dalka ee xuduudaha, wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in xuska munaasibada labaatan guurada kasoo wareegtay aasaaska Somaliland kaga duwan tahay munaasibadihii hore, iyadoo sanad guuradan ay ciidanka qaranku heleen derejooyinka ay xukuumadda Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo hogaamiyo ay bixiso, taas oo sida uu xusay si weyn wax uga bedeshay haykalkii iyo nidaamkii hore ee ciidanka oo ka dhigtay ciidan qaran oo jira oo kala danbayn iyo nidaamkii lagu yaqaanay ciidanka leh, isla markaana kor u qaaday haybadii iyo sharaftii ciidanka qaranka.
Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka gaashandhiga Cabdi Daahir Camuud oo hadlay munaasibadaa ayaa tilmaamay in ciidanka qaranku ay u diyariyeen tababaro faro badan oo loo kala diray wadamada jaarka iyo kuwa Yurub, wuxuuna sheegay in ciidanka qaranku yihiin cudud laysku halaynkaro.
Munaasibaadaa oo ahayd mid si weyn loo agaasimay waxa lagu soo bandhigay Riwaayd ka tujumaysa sida lagu gaadhikaro horumar iyo sida ugu wanaagsan ee dalka loo maalgashan karro, isla maraakana loola soo biixi lahaa khayraadka ku jira dhulka Somaliland. duugan dalkeena.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com