Nairobi (ANN)Dadka ku Dhaqan Dalalka Kenya iyo Kampala ayaa waxaa soo wajahday Xaalad Murugo ah kadib markii Virus aan la aqoon uu waxyeelo badan u geestay Dad badan oo iyagu isticmaalayay taleefanada Gacanta ah.
Virus-kan magaalooyinka uu sida weyn cabsidiisu u saamaysay waxaa ka mid ah magaalada dadka ku dhaqan Magaalooyinka Nairobi iyo Kampala oo laga shakiyay in laqabto telefoonada gacanta, isla markaana Soomaalida ku dhaqan wadamadaa ayaa cabsi weyni soo wajahday. Ka dib markii ay soo baxday sheekada Virus-ku.
wararka qaar ayaa sheegaya in Virus-ka aan la aqoonsan ee haleelaya qofku markuu Mobile gacanta qabto uu qofka ku faafayo Viruskan oo aan la’ogayn waxa dhabta ah uu yahay, kaas oo qofka sanka iyo Afka dhiig kakeena.
ilaa inta la ogyahay 2 qof ayaa u geeriyootay, 3 kalane waxa ay la il daranyihiin waxyeeladii uu u geestay Viruskan iyadoo aanay dowladdaha Kenya iyo Uganda aaanay ka hadlin, isla markaana aanay sidoo kale shirkadaha isgaadhsiinta wadamadaas aanay ka warbixin.
Soomaalida ku dhaqan dalkaa ayaa cabsi iyo wer wer ka kamuujiyay arintaa, iyagoo si weyn uga shakisan telefoonada usoo dhacaya. Dadka qaar ayaa lagu arkay midabkooda oo isbedalayo , isla markaana arintan ayaa walaac badan durba ku abuurtay Dadka Reer Kenya iyo uganda.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380