lagaga hadlayo Xaalladaha ugu dambeeyey ee Arrimaha dalka Somalia iyo colaadaha ka taagan mandaqada.
Sida laga soo xigtay dublamaasiyiin fadhigoodu yahay Addis Abab kulankaa ayaa lagu wadaa inuu bishan January 24-da ka furmo magaalladda Baxar Daar oo ku taalla Waqooyiga-galbeed ee dalka Ethiopia, wararka la xidhiidha shirkaa ayaa sheegaya in diiradda lagu saaridoono Ajendayaal Muhiim ah oo ay ugu waaweyn yihiin Arrimaha dalka Somalia iyo Qorshaha Ciiddamadda Ethiopia kaga mid noqonayaan Hawlgalka Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee ku sugan Somalia ee AMISOM.
Sidoo kale waxa la filayaa in shirkaa midawga Afrika lagu soo qaado xiisada iyo collaadaha ka taagabn mandaqada iyo guud ahaan qaarada Afrika
Waxa kale oo suurtagal ah in lagaga hadlo dalabka Midawga Afrika ku doonayay in Ururka Midowga Afrika Kursi Joogto ah laga siiyo Golaha Ammaanka ee QM.