Hargeysa(Araweelonews Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa magcaabay gudi cusub oo wasiiro ah, taa oo uu sheegay in ay wax ka qabanay arrimaha dhaqanxumada.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed maanta Jimcihii kasoo baxay madaxtooyada Somaliland. Kaas oo u qornaa sidan:- “ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Dhaqan-xumada oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Waxaanu Madaxweynuhu Magacaabistan Gudida ku yidhi Mudanayaal,
Waa xilka Xukuumadda in laga hortaggo cid-kasta oo anshax-xumo ku abuuraysa Bulshadda Somaliland dhexdeeda, isla markaana waxaa lagama-maarmaan ah in Xukuumaddu ka hor-tagto dhaqan-xumadaas.
Haddaba, aniga oo ka duulaya qodobka 5aad ee Dastuurka Qaranka iyo warbixinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Hay’adaha Aminiga ee Qaranka, waxaan idiin magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Anshax-xumada.
Sidaas darteed mudanayaal, waxa aan idin farayaa in aad wax-ka qabataan dhaqan-xumadaas oo Qaranka laf-jab ku ah, idinka oo waafajinaya shuruucda dalka.
XUBNAHA GUDIDU KA KOOBAN TAHAY
1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Guddoomiye
2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xubin
3. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xubin
4. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Xubin
5. Taliyaha Ciidanka Booliiska Xubin
6. Taliyaha Sirdoonka Qaranka Xubin