Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Silaanyo), ayaa si cad ugu dhawaaqay in aanay jirin wax u diidaya inuu mar labaad noqdo musharaxa xisbiga Kulmiye
marka la gaadho doorashada soo socota.
Madaxweyne Siilaanyo maanta dalka kusoo laabtay. Kadib safar laba mamlmood qaatay oo uu ku tegey dalka Ethiopia, wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in dib u dhigista shirweynaha Xisbiga Kulmiye ay tahay mid lagama maarmaan ah,.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sidaa kaga jawaabay su’aalo laga weydiiyay arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha dhaliilaha mucaraadku ku sheegaan in aanay taladu gacanta ugu jirin,taas oo uu
waxba kama jiraan ka dhigay. Sidoo kale wuxuu ka warbixiyay kulan uu dalka Ethiopia kula yeeshay Raysal wasaaraha dalkaa iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Halkan ka dhegayso Codka Madaxweynaha oo dhamaystiran Riix.