Addis Ababa(Araweelo News Network)Raysal wasaaraha dalka Ethiopia Hayla Maryan Deselign ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wasiiradda
usii gogolxaadhayay safarkiisa.
Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Ethiopia waxay kulnkaa oo saacado qaatay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha wax wada qabsiga iyo iskaashiga labada labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka. Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha mandaqada ee dhinacyada amaanka, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Debeda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali iyo Qorshaynta Sacad Cali Shire, waxay usii jeedaan dalka Turkiga si ay uga qaybgalaan wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya uga furmaya 15-ka Bishan Magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga.
Waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo wefdigiisu markaa ka dib usii gudbaan dhinaca dalka Britain iyo dalal kale oo Yurub ah.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com