Hargeysa(Araweelo News)Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sharci-darro ku tilmaamay fadhi uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna
Guddoomiye-xigeenka afraad isugu yeedhay Guddiga Fulinta ee xisbigaasi maanta gelinka dambe.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin, waxa uu ku sheegay in yeedhmada Saylici tahay mid sharciga baalmarsan, isla markaana uu ku waxyeelaynayo hawlaha qabanqaabada shirweynaha 3aad ee xisbiga.
War-murtiyeedkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan;
Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:
1. In la doortay Guddoonkii Guddiga oo kala ah;
Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, xoghaye iyo Afhayeen
2. Waxay diyaariyeen xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga
3. Waxay magacaabeen Guddi-hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada
4. Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii (work plan) guddigu ku shaqaynlahaayeen.
Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannaan u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah, shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.
Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.
Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga.
Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo ka gudbay marxalado badan oo hore.
Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin,” ayuu ku soo gunnaanaday war-saxaafadeedkiisa Maxamed Kaahin oo daba socday hadal Madaxweyne Xigeenka Somaliland ku dalbaday in ay kulan deg deg ah isugu yimaadaan gudida Fulinta Xisbiga.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com