Brussels(ANN) Naadiga ay ku bahoobeen dawladaha Midawga Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay inay lacag dheeraad ah ku taageerayaan hawlgalka ay ciidamada nabad ilaalinta ee midawga Africa ee AMISOM ka wadaan dalka Somalia.
Lacagtaa oo dhan 47 million Euro ah. Sidaana waxa lagu sheegay war ka soo baxay xarunta Midowga Yurub ee Brussels, kaas oo lagu xusay in lacagtaa oo dhan 47 Million ee EURO oo u dhiganta in ka badan 60 million oo Dollars ay ka dhigayso lacagta ay Midowga Yurub siiyeen hawlgalka ciidamada AMISOM tan iyo sanadkii 2007-kii oo gaadhay 142 Million oo Euro, isla markaana u dhiganta in ka badan 182 million oo dollar.
Haweenayda Sarkaalka ugu sareeya ee Midowga Yurub ugu qaabilsan siyaasadda arrimaha dibedda iyo amaanka Catherine Ashton ayaa sheegtay in ay ciidamada AMISOM muhiimad wayn ay u leeyahiin inay sii joogaan Muqdisho, si aanay uga sii darin xaaladda amaanka ee dalka Somalia, iyadoo sheegtay in ciidamadaasi ay muujiyeen inay muhiim tahay in la helo duruufo saamaxaya sidii wadahadalo iyo dib u heshiisiin looga gaadhi lahaa dalka Somalia
Catherine, waxay sheegtay inay rajaynayso in ciidamada AMISOM ay samayn doonaan jawi lagu xaqdhawro xuquuqda aadamaha oo la ilaaliyo dhamaanba dadka u dhashay dalka Somalia.
Lacagaha ay bixiyaan Midowga Yurub ee la siiyo AMISOM ayaa waxaa lagu bixiyaa kharashaadka ku baxa hawlgalada ay ka wadaan muqdisho oo ay ku jiraan gunnada ciidamada lagu siiyo hawsha nabad ilaalinta iyo mushahaaraadka ay qataan shaqaalaha rayidka ahi iyo sidoo kale lacagaha ku baxa gaadiidka iyo caafimaadka.
Dhawaaqa qorshaha cusub ee midawga Yurub ayaa kusoo beegmay xili ay dagaaladu maalmihii u danbeeyay ka dhaceeyeen magaalada muqdisho, iyadoo dhinaca kalena dawlada Uganda ciidamo hor leh usoo diray Somalia.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380