laysula tegey ku dhexmaray xarunta Golaha wakiiladda, kuwaas oo dagaalkooda lagu macneeyay inuu ka dhashay isku shaandhayntii guddiyada golahaas oo aan wali loo maaro helin khilaafka ka aloosan.
Dagaalka labada Xildhibaan ayaa salka ku haya Loolan adag oo golahaas ka taagan kaas oo saameeyey shirguddoonka Golahaasi iyo Xildhibaanada, waxaanay u egtahay in dagaalkoodu salka ku hayo kala jiidashada xilalka gudiyadda Golahaa oo uu hore uga mid ahaa guddoomiyayaasha Cabdiraxmaan Dheere, balse guddoomiyayaasha cusub ee Cirro dhowaan sameeyay uu ka mid noqday Xildhibaan Rayte.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin ayaa ahaa Guddoomiyihii hore ee guddidii Cadaaladda, halka Xildhibaan Rayte imika loo doortay guddoomiyaha Guddida Arrimaha gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca, waxaanay labadoodu la kala safan yihiin Guddoomiye Cirro oo Mucaarad ah iyo labada ku-xigeen oo Muxaafid ah.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com