Uur Madaxweyn oo ku taala deegaanka dhinaca gubanka ee u dhexeeya Magaalada Ruggey iyo Magaalada xeebta ah ee Maydh.
Sida ay sheegeen warar kala duwan oo aanu ka helay dadka deegaanka Taliyaha Qaybta Gobolka Sanaag Xasan Ismaacil Yuusuf ( Gamca-yere) iyo askarta la socotay ayaa ka badbaaday daadka, balse waxa uu qaatay oo badda ku daray gaadhigii ay wateen, mana jiro khasaare kale oo soo gaadhay Taliyaha iyo ciidanka la socday sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha dhacdadaa, waxay Taliyaha iyo ciidankiisu u socdeen xiligga daadku qaaday dhinaca magaalada Xeebta ah ee Maydh oo ay hawlo shaqo ugu baxeen, iyagoo ka baxay Magaalada xarunta u ah gobolka Sanaag ee Ceergaabo.
Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa u sheegay shebekaddaha Arraweelo .com iyo Araweelonews.com in roobab waaweyn ay ka da’ayeen ilaa shalay deegaamadaa, balse ay maanta roobabka oo inta badan ka da’ayay deegaanka Buuraleyda Sil-silada Golis iyo dhulka gubanka ah ee Xeebta xigga.
In kasta oo ay adagtahay in warar laga helo deegamada qaarkood isgaadhsiinta oo liidata awgeed, balse mana jiraan ilaa hada wax khasaare ah oo ay geysteen roobabkaasi inta la ogyahay.
Info@araweelonews.com