Washington(Araweelo News Network) TV’ga CNN ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay Filim sawir lagaga bixinayo hawlgalkii Ciidamada Cutubka Lixaad todobaadkii hore ku qaadeen Magaalada Baraawe ee Koonfurta Somalia.
Sidoo kale Muuqaalada uu Telefishanka CNN soo bandhigay oo ah kuwo lagu sawirayo dhacdadaa ayaa lagu muujiyay sida aanay ciidamada Maraykanku wax badan ugala socon taatikada dagaalka ee Al-shabaab oo weerarku ku jihaysnaa. Waxa kale oo Telefishnaka CNN Waraysi la yeeshay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka George Little.
Dowladda Mareykanka ayaa hore u sheegtay in ay ku guuldareysatay iskudayo dhowr ah oo ay ku doonaysay in ay ku beegsato hoggaamiyaal katirsan xarakada Al-shabaab . Wasiirka difaaca Mareykanka Chack Higal ayaa saraakiisha ciidanka Mareykanka u sheegay in ladagaalanka waxa loogu yeedho. Argagaxisada uu yahay mid qeyb ka ah sugidda ammaanka qaranka Mareykanka.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baali ee dalka Indonesia weerarkaa kadib ayaa qiray in howlgalkii ay Soomaaliya ka fuliyeen uu ku dhamaaday guul darro wuxuuna walaac ka muujiyay halista soo wajahaysa ciidanka Mareykanka ee howlgaladaasi fulinaya, kuwaas oo kadib hawlgalkii Osama lagu khaarajiyay cutub ka tirsan kooxdii weerarka fulisay diyaarad ay saarnaayeen August 2011 dagaalyahanka Daalibaan la beegsadeen gantaal sidaana ay ku burburtay diyaarada iyo kooxdii saarnayd oo dhamaantood ka tirsnaa cutubka hareeraynta ee lixaad oo lagu tilmaamo kuwo ugu tababar badan ciidamada Maraykanka.
Balse cutub ka tirsan ciidankaa oo lagu sheegay tiradooda in ay ahayeen 20 askari ayaa weerarka Baraawe , kuwaas oo si weyn loogu dhaliilay qaabka ay hawl galkaa u waajaheen oo lala xidhiidhiyay in uu sabab u ahaa guuldaradii ku dhacday.
Halkan ka Daawo Muuqaalka filimka oo laga metelay hawlgalkaa, balse aan ahayn mid run ah.