Hargeysa (ANN) Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta xilkii ka qaaday xoghayihii Dawlada hoose ee hargeysa, isla markaana xoghaye cusub magacaabay. Sidaana waxa lagu sheegay digreeto kasoo baxaday xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland,
taas oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
ugu magacabay hoghayaha dawlada Hoose ee hargeysa Deeq Xirsi Xujaale, kaas oo bedeli doonaa xoghayihii hore ee dawlada hoose ee magaalada Hargeysa Maxamed Aw Aadan Weyrax.
wasiirku wuxuu faray kusimaha duqa ahna ku xigeenka duqa caasimada Maxamed C/laahi Uurcade in sida ugu dhakhsaha badan ugu kala wareejiyo xilka masuuliyiintaa, isagoo xoghayihii hore oo ku amaanay mudadi u xilka hayey sida wadaniyada leh ee uu u gutay wajiibabkii qaran
wax kale oo wasiirku kula dardaarmay xoghayaha cusub inuu halkaa ka sii anba qaado hawsha qaranka ee lo igmaday, isagoo ku booriyay xoghayaha qabyo tirka hawlaha horyaala ee dawlada hoose.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com