Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si deg-deg ah qalinka ugu duugay Xeerka Wadooyinka, kaas oo golaha
wakiiladu si aqlabiyad ah shalay u ansixyeen. Sidaana waxalagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013 ku dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka.
Madaxweynuhu:-Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF- 22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.
Wuxuu Soo Saaray: Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.
info@araweelonews.com.
jaamac132@gmail.com