Hargeysa(Araweelo News Network) Golaha wakiilada Somalialnd ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xeerka doodaha iyo muranku ka taagnaayeen ee wadooyinka, kaas oo doodiisa ay maalmihii u danbeeyay ku guad jireen.
Fadhigii 24 ee kalfadhiga 22aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed Cllaahi ,wuxuu furitaan kadib Gudoomiyuhu sheegay in sidii ay isla ogaayeen maanta loo codayn doono Xeerka, iyadoo Xildhibaano ay soo jeediyeen laba ra’yi oo kala ahaa in Xeerka dib loo dhigo codayntiisa si wakhti ku filan loo siiyo sidii loogu soo dari lahaa waxyaalihii ay mudanayaashu soo bandhigeen mudadii ka doodeen.
Balse qaar badan oo ka mid ah mudanayaasha ayaa ku dooday in Xeerku dhamaystiranyhay , isla markaana goluhu guda galo codayntiisa oo keliya.
Hase yeeshee Gudoomiyuhua ayaa sheegay in labadaa rayi goluhu u codeeyo, taas oo keentay in mudanayaasha badankoodu waafaqeen in xeerka uu goluhu u codeeyo. Markaa kadib waxaa bilaabantay Codayntii Xeerka Takaaliifta Horumarinta Wadooyinka, iyadoo u dhacday, kaas oo ogolaadeen in Xeerkan la anxiyo 58 Mudane, waxaana diiday 8 Mudane, waxaana ka aamusay 3 mudane, Gudoomiyuhuna ma codayn.
Sidaana waxa lagu meel mariyay xeerka wadooyinka ee maalmihii u danbeeyay muranka adag iyo dooduhu ka taaganayeen.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com