images/stories/moi kibaki. oo kor u haya dastuurka cusub.png Nairobi (ANN) Madaxweynaha Dalka Kenya Moi Kibaki ayaa Maanta si rasmiya u Ansixiyay Dasuurka cusub ee uu Wadanka Kenya yeelano doona Waxaana Xalfad Si weyn Loogu Maamusayo Dastuurka Cusub ka dhacday Fagaaraha Weyn ee Beerte Xoriyada ee lagu magcaabo (Uhuru Park), kaas oo ku yaal Badhtamaha Magaaladda Nairobi,
iyadoo ay Madasha Xalfada kasoo qeyb galeen Madax badan oo Afrikaan ah iyo Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan.
Xafladaa oo si heer sarre ah loo soo agaasimay, waxa kaloo kasoo qayb galay hogaamiyayaal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha dalalka Rwanda, Chad, Uganda, Madaxweynihii hore ee Tanzania iyo Waliba Madaxweynaha Dalka Suudan oo si lama filaana ku yimi Goobta Xalfada.
Sidoo kale Waxaa goobta Xalfada kasoo qeyb galay wadaada Diimaha Kenya iyo Waliba Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan oo lahaa Fikrada Dowladda Wadaaga ee Kenya kadib Qulqulatooyinkii ka dhashay Natiijadii doorashooyinkii 2007 ee ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 1300 Qof.
Wuxuuna Madaxweynaha Jamuuriyada Dalka Kenya Moi Kibaki si ramisya maanta qalinka ugu duugay Dastuurka cusub oo ay maalmahanba u dhegtaagayeen Shacab weynaha Kenya Ansixintiisa , iyadoo xalfado kala duwan oo ay ugu dabaal dagayaan ay ku qabteen Gobolada Wadanka Kenya oo dhan.
Madaxweynaha Dalka Kenya Moi Kibaki, R/wasaare Odinga iyo Waliba Madaxweyne Kuxigeenka Kenya ayaa lagu dhaariyay Fagaaraha Beerta Xoriyada ee Uhuru Park Waxayna Shegeen in uu isla maanta laga bilaabo dhaqan gali doono Dastuurka Cusub ee Kenya.
Wadanka Kenya ayaa Waxaa la filayaa in uu ka gudbay maanta caqabado adag oo hor taagnaa Mudo dheer guud ahaan Shacabka Kenya taas oo hore dalku u afduubnaa shaqsiyaad gaara waxaana hada muuqata in ay haatan shacabka kenyanku taas kaga gudbeen dastuurka cusub ee Maanta qalinka ku duugay Madaxwyne Kibaki, kaas oo wax weyn ka taraya xoriyadaha aasaasiga ah, ka qayb qaadashada siyaasada, xoriyada diimaha iyo furfurnaanta dumuqraadiyada, isu dheelitirka awoodaha qaranka iyo iliilinta xuquuqaha qowmiyadaha kala duwan ee Kenya.
Talaabadan ayaa la filyaa inay dawladaha waaweyn ee taageera nidaamka dumuqraadiyadu soo dhoweeyaan, iyadoo dalal badan oo ku yaala Afrika in badan lagu celcelinayay inay qaataan nidaamka dumuqraadiyada furfuran iyo ganacsiga xorta ah, si ay bulshooyinka kala duwan ee ku dhaqani fursad ugu helaan inay ka qayb galaan tartanka sidaasada iyo dhaqaalaha, isla markaana meesha looga saaro inay koox yari xuurtaysato siyaasada iyo dhaqaalaha dalka. sidaa awgeed talaabada ay Kenya qaaday waxa suurta gal ah inay ku kasbato sumcad weyn, balse waxa ay wax walba ku xidhnaanayaan sida loo dhaqan geliyo dastuurka cusub ee uu maanta qalinka ku duugay madaxweynaha Kenya Mr. Moi Kibaki.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com