Nairobi(Arraweelo News) Ciidamada dalka Kenya oo adeegsnaya diyaaradaha helekobtarada ayaa la tacaalaya weli koox Al-shabaab ah oo dhisme weyn oo ganacsi weerar ku qaaday saaka kadibna gudaha u galay , kuwaas oo ku haysta boqolaal qof, isla markaana dhawr iyo labaatan qof ku dilay
tiro intaa ka badana ku dhaawacay.
Sida ay sheegayaann saraakiisha ciidanka Booliska Kenya ugu yaraan 20 qof ayaa dhintay ilaa 50 qof oo kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo. Kadib markii koox hubaysan ay saaka qabsadeen dhisme dhawr dabaq ah oo ku yaala xarunta dalka Kenya ee Nairiobi, taas oo ah goob ganacsi oo isugu jirta dukaamo, huteelo laga cunteeyo iyo Banan.
Goobtaa oo ka mid ah meelaha ugu caansan ganacsiga oo xiliga kooxda dablayda ahi weerartay ay boqlaal qof ka dukaamaysanayeen, kuwo kalena ku sugnaayeen huteelada laga cunteeyo.
Weerarka oo saaka dhacay ayaa ah weli mid aan xal loo heliy, iyadoo ay weli ku sugan yihiin dhismahaa oo lagu magcaabo Westgate Mall kooxda dablayda ah ee qabsatay, kuwaas oo laga daawanayo Camaraddaha dhinaca amaanka ee k u xidhnaa dhismahaa, waxaana sawirada laga arkayay muujinayaan in kooxda hubaysan oo weli ku jira dhsimahaa ay dad badan oo aan tiradooda la aqoonsan ku haystaan halkaa.
Waxaana gaaf wareegaya dhismayaashaa dadka lagu haysto ciidmada Milateriga Kenya, iyadoo diyaaradaha helekobtaradu dul wareegayaan dhsimahaa, waxayna ciidmada Kenya isku deyayaan inay badbaadiyaan dadka lagu haysto halkaa, iyadoo ay goobta tagtay laanqayrta cas ee caalamiga ah.
Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa, waxayna sheegeen inay Ciidamada Kenya kula dagaalamayaan gudaha dalka Kenya, iyagoo sheegay Al-shabaab inay ku dileen dad gaadhaya 100 qof, sida ay kooxda Al-shabaab ku baahisay barta ay ku leedahay Twitterka.